Maamulka dhalinyarada bellaha makane

Maamulka dhalinyarada bellaha makane

Share

Kani waa page ka saxda ah ay leyihiin dhalinyarada bellaha afar makane

13/02/2026

Taariikh: 13 Febraayo 2026
Goobta: Baladweyne

Waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqayaa in Mudane Hussein Ibraahim mohamed loo doortay Guddoomiyaha Dhalinyarada Beesha Kusane, ee gobolka hiiraan. kaddib kulan ballaaran oo ay isugu yimaadeen odayaasha, waxgaradka, aqoonyahannada iyo dhalinyarada beesha.

Doorashada ayaa ku qabsoontay jawi degan oo muujinaya midnimo, wada-tashi iyo biseyl hoggaamineed. Ka-qeybgalayaasha kulanka ayaa si aqlabiyad leh kalsooni ugu muujiyay hoggaanka cusub, iyagoo tilmaamay baahida loo qabo jiil dhalinyaro oo leh aragti fog, karti iyo hufnaan.

Guddoomiyaha la doortay, Mudane Hussein Mohamed Ibraahim, ayaa ballan qaaday inuu si cadaalad iyo daacadnimo leh ugu adeegi doono dhalinyarada Beesha Kusane, isla markaana uu xoogga saari doono mideynta, wacyigelinta iyo horumarinta doorka dhalinyarada ee arrimaha bulshada iyo mustaqbalka beesha.

Ugu dambeyn, Beesha Kusane waxay ugu baaqaysaa dhammaan xubnaha dhalinyarada inay garab istaagaan hoggaanka cusub si loo gaaro horumar iyo midnimo waarta.
Dhamaad

Photos from Maamulka dhalinyarada bellaha makane's post 09/02/2026

February 9, 2026

Cadeeyn: Maamulka Dhalinyarada Makanne waxa uu cadeeynayaa inaysan jirin cid uga qeeyb gashay kulan la sheegay inuu ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo ay iskugu yimaadeen gudoomiyaasha Maamulada Dhalinyarada beelaha Dhul-maalada (Jareer-weeyne ).

Sidaas daraadeed Maamulka Dhalinyarada Makanne ma aqoonsano natiijo kasta oo ka soo baxday shirkaas.

-----Dhammaad------

17/12/2025

WAR-MURTIYEED

Waxaa maanta si rasmi ah u qabsoomay shir ballaaran oo ay isugu yimaadeen aqoonyahannada, waxgaradka iyo haldoorka beesha, kaas oo si qoto dheer looga dooday khilaaf muddo ka taagnaa calanka beesha iyo qaabka naqshaddiisa.

Shirkan ayaa si furan oo mas’uuliyad leh loogu falanqeeyay aragtiyadii kala duwanaa ee bulshada dhexdeeda ka jiray, waxaana lagu saleeyay doodaha midnimo, wada-tashi iyo ilaalinta taariikhda, dhaqanka iyo qiimaha ay beesha wadaagto.

Kadib dood dheer, talo isweydaarsi iyo falanqeyn qaan-gaadh ah, aqoonyahannada beesha waxay si buuxda ugu heshiiyeen qodobadan soo socda:

1. In khilaafkii ka taagnaa calanka beesha si rasmi ah loo soo afjaray.

2. In la ansixiyay naqshadda calanka oo ah mid ka tarjumeysa taariikhda, midnimada iyo wadajirka beesha.

3. In dhammaan xubnaha beesha lagu boorriyay inay ixtiraamaan go’aanka kasoo baxay shirkan, kana fogaadaan wax kasta oo abuuri kara kala-qoqob iyo is-khilaaf hor leh.

4. In calanka la isku raacay uu noqdo astaanta kaliya ee beesha lagu mideysan yahay laguna matalo munaasabadaha rasmiga ah

Aqoonyahannada beesha waxay caddeeyeen in go’aankan uu yahay mid dan guud ku saleysan, islamarkaana looga gol leeyahay xoojinta midnimada, wadajirka iyo isku duubnida beesha.

Ugu dambeyn, shirku wuxuu ugu baaqayaa dhammaan bulshada beesha in ay garab istaagaan go’aankan, kana shaqeeyaan ilaalinta sumcadda iyo midnimada beesha.

Dhamaad

Want your business to be the top-listed Beauty Salon in Balad Weyn?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Telephone

Website

Address

Balad Weyn
845186