DR DA'UZ

DR DA'UZ

Share

politically page

03/08/2026

๐–๐€๐‘-๐’๐€๐—๐€๐€๐…๐€๐ƒ๐„๐„๐ƒ

Kaddib cabashadii qaybo ka mid ah bukaanka kelyaha ee Cisbitaalka Guud ee Hargeysa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa uu Cisbitaalka ku tegey booqasho kedis ah oo uu ugu kuurgelayay cabashadan, iyo guud ahaanba xaaladda Cisbitaalka.

Madaxweynuhu waxa uu kulamo xog waraysi ah la yeeshay maamulka, hawl-wadeennada caafimaadka iyo bukaanka, gaar ahaan qaybta maydhista kelyaha. Intaa kaddib, Madaxweynuhu waxa uu qaaday tallaabooyinka soo socda oo hordhac u noqonaya xal-u-helidda guud ahaan xaaladaha cisbitaallada dalka, gaar ahaan Cisbitaalka guud ee Hargeysa oo uu saaran yahay culays badan oo xagga adeeg-bixinta ah.

๐Ÿ. ๐ˆ๐ง ๐›๐ข๐ฅ๐š๐š๐ฌ๐ก ๐ฅ๐š๐ ๐š ๐๐ก๐ข๐ ๐จ ๐๐ก๐š๐ฆ๐ฆ๐š๐š๐ง ๐ค๐š๐š๐›๐š๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐ก๐š ๐ค๐ž๐ฅ๐ฒ๐จ ๐ฆ๐š๐ฒ๐๐ก๐ข๐ฌ๐ญ๐š:

Madaxweynuhu waxa uu amray adeegga kelyo maydhista oo imikaba bilaash ah, in sidoo kale bukaanka kelyaha loo maydhayo laga dhaafo lacagaha kooban ee ay ku iibsadaan dawooyinka iyo agabka yaryar ee la xidhiidha kelyo maydhista.

๐Ÿ. ๐ˆ๐ง ๐ฌ๐ข ๐๐ž๐ ๐๐ž๐  ๐š๐ก ๐ฅ๐จ๐จ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ข๐ข๐›๐ข๐ฒ๐จ ๐’๐ก๐š๐ง ๐ข๐ฒ๐จ ๐“๐จ๐›๐š๐ง ๐ฆ๐ข๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ง๐ง๐š๐๐š ๐Š๐ž๐ฅ๐ฒ๐จ ๐ฆ๐š๐ฒ๐๐ก๐ข๐ฌ๐ญ๐š ๐š๐ก:

Madaxweynuhu waxa uu amray in si degdeg ah loo soo iibiyo Shan iyo Toban mishiinnada Kelyo maydhista ah, si loo sii kordhiyo awoodda qaybta kelyo maydhista, loona yareeyo cadaadiska shaqo ee saaran mishiinnada hadda yaalla. Sida oo kalana loo hubiyo in bukaanka intii awoodda ah la wada gaadhsiiyo adeeggan, xilliga iyo saacadaha ku haboon.

๐Ÿ‘. ๐ˆ๐ง ๐—๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐‚๐ข๐ฌ๐›๐ข๐ญ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐‚๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐‚๐ข๐ฌ๐›๐ข๐ญ๐š๐š๐ฅ๐ฅ๐š๐๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ฅ๐š๐๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ช๐š๐ฒ๐›๐ญ๐š ๐ฆ๐š๐ฒ๐๐ก๐ข๐ฌ๐ญ๐š ๐Š๐ž๐ฅ๐ฒ๐š๐ก๐š ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐ฌ๐š๐ฆ๐ž๐ž๐ฒ๐จ ๐ช๐ข๐ข๐ฆ๐š๐ฒ๐ง ๐๐ก๐š๐ฆ๐ฆ๐š๐ฒ๐ฌ๐ญ๐ข๐ซ๐š๐ง:

Madaxweynuhu waxa uu diray Guddi Farsamo oo qiimayn buuxda ku samaysa xaaladda Cisbitaalka guud ee Caasimadda Hargeysa iyo Cisbitaallada Gobollada dalka, qaybaha adeegga daweynta, nidaamka maamulka iyo maaraynta, qalabka caafimaadka, kaabayaasha, iyo daryeelka bukaanka oo ay ku jiraan qaybaha Kelyo maydhista.

Guddidan farsamo waxa ay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland siin doonaan warbixin buuxda oo sees u noqota xalalka degdegga loogu baahan yahay iyo kuwa muddada dheer.

Madaxweynuhu waxa uu mar kale xaqiijinayaa in ay Xukuumadda ka goโ€™an tahay kobcinta iyo horumarinta Cisbitaallada dalka, hadba intii ay awooddeenna dhaqaale saamaxdo, si kor loogu qaado kartida iyo tayada adeeg bixinta ee ay ku daboolayaan baahiyaha caafimaad ee jira.

๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡,

๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ),

๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐

30/07/2026

Madaxweynuhu dhakhtarka uma Iman in uu dhacdadii shalay ka jawaabo ee wuxuu u yimi Mashruuca Taiwan laakiin intan yarna kuwiibaa ku yidhi u dhex raaci

29/07/2026

https://www.facebook.com/share/r/17JD5UY3ih/

Ilahay waa karaa kuwaas waxoogii ku dul cunaaya in uu ku bedelo iyagana caafimaad siiyo.

28/07/2026

Waa xisbi qaran oo da' ahaan ugu wayn xisbiya qaranka.
Laakin maan jeclayn in sidaas loo bah dilo
Ka qayb galkiisa lama kala helin jirin hase ahaatee maanta waa liitaa
Indho dayac baa ka muiqda

TikTok ยท OGLE YARE ๐Ÿ‡จ๐Ÿ‡ฆ๐Ÿ‡จ๐Ÿ‡ฆ 11/07/2026

https://vm.tiktok.com/ZSX8N2Cwb/ This post is shared via TikTok Lite. Download TikTok Lite to enjoy more posts: https://www.tiktok.com/tiktoklite

Boogtii ugu waynay....
Meeshii la taabtaaba waa nabar dheecaan ku jkro

TikTok ยท OGLE YARE ๐Ÿ‡จ๐Ÿ‡ฆ๐Ÿ‡จ๐Ÿ‡ฆ

08/07/2026

Gabaygii Buurta
_______________________________

Xaraf looma dhigin Wiilashii Buurta xaadiraye

Nimankaan Xarraabaha gashee soo Xabbado tuurtay

Xirfad male Shahaadiyo Digrii waxay xaraysteene

Xaq waxay u leeyiin inay Xidigo qaataane

Wasiiradu inay nagu xidhaan Xaashad ma ahayne

Anoo oday Xariiraan wataa Boqorkan xayraane

Xilkiiniyo hadaa Ragoow Rabtaan iyo Xafiiskiina

Maryihii xumaa iyo Xayraankii hadaydaan u xiisin

Xaytaan soo hor kaco waa inaad xagaf ku siisaan

Hadii kale Ogaada Ragbuu Odaygu Xerada dhaafsiin.

03/07/2026

Xataa waxaa ku jira cuntada,shidaalak ,daryeelida daawada,iuo xaga dhisida hawgalada
..........................
Laga jar waxaas oo dhan maxaa u nafa talow

https://www.facebook.com/share/r/1BUuG1gKKq/

02/07/2026

Madaxweyne cirro ayaa shirkii golaha dhexe ee xisbigiisa weedho iiga soo gubiyay, bal aan in yar ka idhaahdo.

Wuxu madashaa ka sheegay in aan sheegay in laba jeer aan ictiraaf ka soo helay labada dawladood ee kala ah Guinea conakry iyo Ethiopia.

Anigu marnaba ma odhan ictiraaf ayaan dawlad la soo galay.
Arrintaasi been baad sheegtay Odaygii Qaranka lagu odhan maayee, ee wuu ismoodsiyey.

Odaygu wuxuu sheegay in anan kabaha haleelin markii la ii sheegay in la yidhi aqoonsi caalami ah ayaa la helay, waa runtii. Haddaba, markii aan tagay madaxtooyada JSL hadalkii aan ka jeediyayna waa kan:

"Ictiraaf waynu u baahnayn lakiin wuxuu ka yimid meel aan laga filayn. Arrintu waxay u eegtahay maahmaahdii ahayd "Rag ciil cadaab ka dooray. Ictiraafku waa mudnaanta kowaad ee dalkeena JSL, Iyadoo ay sidaa tahay, haddana, waxaan leeyahay arrinta dhinacyo badan halaga eego, una talo badso, si aan dhexdeena khilaaf uga iman.

Maantana intii ayaan leeyahay.โ€ Haddaba, waxa nasiib darro ah in madaxtooyadu ay jarjartay hadalkaygii oo la nuxur tiray. Sido kale, waxa gabi ahaanba meesha laga saaray hadalkii uu madasha ka jeediyay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin. Haddaba, gefka yaa galay?

Arrintan sida aad u maamushay aan dul istaago, safarkaagii rasmiga ahaa waxa aad sheegtay in aad Israaโ€™iil h**e u booqatay iyada oo laga ilaaliyay shacabka iyo warbaahintaba, waana kow madaxweyne Jamhuuriyadda Somaliland ah oo si qarsoodi ah u safra, marka dambena sheega in uu safaro qarsoodi ah uu galay.

Safarkaagii u dambeeyay ee rasmiga ahaa waxa aad muddo joogtay dalka isu-tagga imaaraadka carabta oo aad ka dhooftay, halka waftigaagii wasiiraduna ay iyaguna muddo ku sugnaayeen dalka itoobiya kana dhoofeen.

Madaxwayne maxaa keenay qarsoodiga iyo qaybsanaanta?

01/07/2026

Maxaa ka jira in Websitekii W.arimaha dibada Budhcad Xuutiyiin ahi ay jabsadeen oo xukuumaduna ay qarsanayso?

Want your business to be the top-listed Beauty Salon in Berbera?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Website

Address

Berbera
63#@63