Premium Skin Clinic

Premium Skin Clinic

Share

"Kusoo dhawaada Premium Skin Clinic oo aad ka heli doonto daawooyinka maqaarka iyo cosmetics tayadooda sareyso!"

16/12/2021

Xarunta Cudurada Maqaarka iyo timaha waxaa lagu daaweeyaa:

Cuncunka/Xajiin/Xasaasiyad
Cambaarta
Qawwadka
Agoolka
Finanka
Haaraha IWL.

Xarunta waxay ku taalaa wadada Masjid Rawda kasoo horjeedka Xawaalada Iftin.

Waxaad lagala soo xiriiri kartaa numbaradaan:

5243168 ama 7563874.

20/06/2021

Waxaa muhiim ah markaad shaambo ku dhaqdid timaha inaad ka daba isticmaashid doobi-shaambo (conditioner).

Faa'iidada ay leedahay waxa weeye shaambada waxay timaha ka qaadaa saliida difaaca u ah, waxayna timaha ka dhigta qaleyl, hadii laakin aad ka daba isticmaasho doobi-shaambo (conditioner), timaha waxay kusoo celineysaa saliid/dufan, waxayna ka dhigaysaa timahaada:

✅ Jileec
✅ Midabka ayay usoo celin
✅ waxay ka hortagaysa googoo'a timaha
✅ Timaha way furfureysaa
✅ Timaha bixidooda ayay ka qayb qaadan
✅ Iyo faaii'dooyin kale oo badan.

Waxaad ku garan kartaa inay khalad tahay in aad shaambo kaliya timaha lagu dhaqo, shaambo walba waxaa la socda doobi-shaambo.

#252

07/04/2021

Hadii aad ka shakisan tahay tiradaan in ka badan iney maalinti kaa daahdo fadlan u tag dhakhtar maqaar oo ku dhow.

#252

01/04/2021

⚠️ KAREEMADA KOR KU SAWIRAN ISKA ILAALI❗

Waxaa laga helay maado sun ah oo la yiraahdo MERCURY, waxaana mamnuuc caalamka ka ah in kareem lagu daro MERCURY ka badan 1 ppm.

Hadaba aan fiirnino kareemadaan inta MERCURY laga helay.

White Pearl Plus Cream: 93ppm

Faiza Beauty Cream: 590.45ppm

Golden Pearl Cream: 654.13ppm

Goree Cream: 755.85ppm

Chandni Whitening Cream: 6,800-14,000 ppm

Noor Herbal Beauty Cream: 16,000ppm

New Face Whitening Cream: 16,000ppm

Waxaa kaloo laga helay daawo kale oo aan la ogoleyn 5ppm ka badan in lagu daro cosmetics-ka oo la yiraahdo Hydroquinone.

Dhibaatooyinka ay ku keeni karaan maadooyinkaan waxaa kamid ah:

⛔ Haaro, guduud, iyo finan

⛔ Xasaasiyad

⛔ Gariir

⛔ Aragaada iyo Maqalkaada inay saameeyaan

⛔ Ilowshiiyo

⛔ Depression/Murugo/Welwel

⛔ Kabuubiso oo laga dareemiyo faraha iyo afka

⛔ Kalyaha iyo Beerka inay dhibaato ku yeeshaan.

Marka walaal iska ilaali kareemadaan.

25/02/2021

Biyaha iyo sabuunta/oomada badan jirka wey qalajiyaan, marka kahortag ahaan, mar walbe aad wax dhaqeysid, gacma gashi xiro!

Want your business to be the top-listed Beauty Salon in Bosaso?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Telephone

Website

Address

Wadada Rowda, Kasoo Horjeedka Iftin Bank
Bosaso

Opening Hours

Monday 08:00 - 19:00
Tuesday 08:00 - 19:00
Wednesday 08:00 - 19:00
Thursday 08:00 - 19:00
Saturday 08:00 - 19:00
Sunday 08:00 - 19:00