Al Jazeera Medical center
Waa xarunta Aljazeera medical center page keeda saxda ah Wixi talo ah nagu biiri bro/sis
20/04/2023
Al -Jazeera medical center waxay idinla wadagesaa farxada ciidul fitriga
Kulu caam wa,antum bikheer
22/03/2023
23/11/2022
23/11/2022
Asc hadaa nahay mamulka Aljazeera medical center waxan farxada iyo hambalyada laqeybsanena Dr keena Abdulahi Abduqadir (Dr Africa) oo ku guulestay imtixaanki uu ugalay Jaamacada Banaadir University ee waxbarashada heerka 2aad master degree
Postgraduate
Department of Pediatrics
of Pediatrics
2022/2023
Waxyaabo soo dadajiya hurdada
Waxyaabaha aan soo qaadan doono dhamaantood shaqo gaar ah ayay qaban doonaan, dhamaantoodna waxay muhiim u yihiin hurdada midba dhinac ayuu hoel gaar ah ka qabanayaa
1. Malab - malabku wuxuu ka mid yahay waxyaabaha hurdada u wanaagsan waxaa wanaagsan inaaad fur ama qaaddo malab ah isticmaasho saacad kahor inta aadan seexan. Malabku wuxuu maskaxda ka dhigaa mid dagan walaaca iyo stresska ayuuna maskaxda ka saaraa
2. Mooska - Cunista mooska muhiim ayay u tahay hurdada iyo daganaanta xagga maskaxda ah. Moosku wuxuu qofka ka ilaaliyaa daalka iyo inuu soo kaco isaga oo jajaban sababtoo ah waxaa ku jirta maadada potassium oo ah maado murqaha ka ilaalisa daalka, hurdada qofkana ka dhigta mid uu ku raaxaysto. Saacad kahor xilliga Hurdada ayaad hal xabbo moos ah cunaysaa
3. Biyaha - Cabista biyo aan badneen sida galaas haafkiis inaad cabto hurdada kahor waxay dhiiga qofka ka dhigaysaa mid isu dheelitiran waxayna qofka ka ilaalinaysaa kulaylka gaar ahaan dadka marka ay soo kacayaan is arka inay sariirta ay ku hudrayaan aad u kululaatay. Biyaha sidoo kale waxay qofka ka ilaaliyaan inuu la soo kaco hindhis taas oo dad badan dhib ku haysa
4. Caanaha - Caanuhu waxay ka mid yihiin waxyaabaha sida gaarka ah usoo dadajiya hurdada lkn waa in caanuhu noqdaan caano diiran. Cabista caano diiran saacad kahor inta aadan seexan qofka waxay ka ilaaliyaan riyooyinka xun, qarawga iyo khuurada sidaa darteed caanaha geela ayaa ah kuwa ugu fiican qofku cabi karo hurdada kahor
5. Lowska - lowsku wuxuu ka mid tahay waxyaabaha hurdada soo dadajiya. Cunista lowska 2 saac inta aadan seexan kahor waxay qofka ka dhigaysa mid maskax ahaan dagan wuxuuna lowsku qofka ka saacidaa inuu dhiiga ku filan maskaxda gaaro sababtoo ah qofka marka maskaxdiisa dhiig ku filan uusan gaarin wuxuu la soo kacayaa kabaabyo iinta badan hal gacan qabata
Qodobkee Aad Ku Soo Jiitay?
Qodobka 1aad ♥️ Saar
Qodobka 2aad 👍Saar
Qodobka 3aad 😮 Saar
Qodobka 4aad 🙏 saar
Qodobka 5aad 😢 saar
Dr Waahin Sabriye
29/09/2022
Dr mohamed Ali macalin waxan orajenena safar kheer qaba madama uu kamid ahaa dhaqaatiirta ka howl gasha Xarumahena mid kamid ah dr waanku tabi doona insha allah save journey
Click here to claim your Sponsored Listing.
