Mahamed Gaye

Mahamed Gaye

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Mahamed Gaye, Health/Beauty, Garowe.

07/04/2026

I got over 50 reactions on my posts last week! Thanks everyone for your support! 🎉

07/04/2026

Saxafi Cabdiqani Dhulmar oo in mudo ah u afduuban Madaxweyne Firdhiye in loogu daro xadhigii sharci darada ahaa Silsilad lugaha looga jebiyo sidii qof dhiig galay waxay muujinaysaa faham la’aanta dowladnimada iyo ku takrifalida Awooda.

In weriye Silsilad lugaha looga jebiyo waxay kasoo horjeeda Dastuurka dowladda Waqooyi bari oo sicad u qeexaya xuquuqda muwaadinka , waxaan qeexaya qodobada 12’aad, 14’aad, 17’aad, 22’aad, 34’aad iyo 40’aad ee dastuurka DFS 2012/2026. Sidoo kale waxaa uu garab mar ku yahay qodobada 10’aad, 11’aad, 12’aad, 13’aad, 14’aad, 17’aad, 18’aad, 23’aad, 33’aad iyo 41’aad ee dastuurka maamulka Waqooyi Bari.

Suurad xumayn ka weyn ma jirto falka lagu kacay Cabdiqani kumana koobna hal qofe wuxuu calaamad u yahay meesha hogaanka talada hayaa ka joogo aqoon dowladnimo iyo xitaa Dastuurkii lagu doortay ee ku dhaartay saa maba akhriyee.

05/04/2026

Ree dolo naga cilmiii badan god qashiin aya xariga laga jarayaaa

04/04/2026

Madaxweynaha wadanka faransiiska oo la hadlay madaxweynaha wadanka maraykanka ayaa yiri

Macron: “Xaaladda iraan laguma xallin karo duqeymo ama hawlgallo milatari oo keliya.

Wax natiijo ah lagama gaarin sidaas oo kale Ciraaq iyo Afgaanistaan xitaa 20 sano kadib.”

Photos from Mahamed Gaye's post 04/04/2026

Wararku waxay sheegayaan in diyaaradaha drones-ka ee Iiraan ay beegsadeen saldhigyo ku yaalla dalka Kuwait, halkaas oo ay ku burburiyeen diyaarad helikobtar ah oo nooca CH-47 Chinook ah. Tani waxay daba socotaa weerarro isdaba joog ah oo tan iyo dhammaadkii bishii h**e (Feb 2026) lala beegsanayay saadka iyo kaabayaasha ciidanka Maraykanka ee gobolka, oo ay ku jiraan saldhigyada Sacuudi, Qatar, Kuwait, Jordan iyo Imaaraadka.

03/04/2026

QALBI-TAABAD

"Caadiloow Allayahoow adaan, kuu calaacaliye
Ciidan awliyaad iyo adaan, caawin kaa sugiye"

24kii saacadood ee lasoo dhaafay, waxa baraha bulshada qabsaday muuqaalkan oo ah Aabbe Soomaaliyeed oo ay duruuftu ku kalliftay in uu beertiisa ku qoto xaaladdan. Isaga ayaa jiidaya nugayga sida dabiga oo kale, wiil uu dhalayna irfida ayuu hayaa.

Waxa uu ku luuqaynayaa maanso qiiro leh, waxa uu sheegayaa in Ilaahay kaliya uu u calaa-calayo, caawimo na uu ka sugayo.

"Caadiloow Allayahoow, kuu calaacaliye
Ciidan awliyaad iyo adaan, caawin kaa sugiye"

02/04/2026

Maraykanka Ayaa ka Digay in Muwaadniintiisu Aanay u Safrin Qaar kamid ah Gobolada Ethiopia.

Deegaanada Amxarada, Oromiya iyo Tigreyga Ayaa ah Meelaha ugu Daran ee Laga Soo Sheegayo Xasilooni Darada.

02/04/2026

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ,Taliyaha Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed, Godoomiyaha Maxak**adda Ciidanka Qalabka sida,Taliyaha Qeybta 60aad iyo Saraakiil kale ayaa hada kasoo degay garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ee Magaalada Baydhabo.

wafdigaan ayaa waxa ay horudhac u yihiin wafdi heer sare ah oo uu hogaaminayo Madaxweyne Xasan Sheikh oo dhawaan ku wajahan Baydhabo si ay u dejiyaan xaaladda kacsanaanta ah ee ka jirta siyaasada Koonfur Galbeed

01/04/2026

Lasheeg dadka ugu been badan in ay hargeele jogaan

01/04/2026

Madaxweyne Xassan Sheikh ayaa qorsheynaya in uu safar ku tago magaalada Baydhabo, ka dib markii ay deegaankaas ka ceyrsatay dowladda madaxweynihii xukumayay Cabdicasiis Laftagareen, maalin uun markii doorashadiisa ay dhacday.

Madaxweyne Xassan Sheikh ayaa la kulmi doona siyaasiinta garabkiisa ah oo hadda isku garbinaya cida bedelaysa Laftagareen & dhismaha hanaan maamul oo deegaankan uu yeesho, ka dib markii ay dowladdu xoog ku hirgalisay Isbedel maamul oo ay rabtay.

Villa Somalia ayaa la aaminsan yahay in ay farxad aan dhab aheyn ka qaaday xaaladdan, laakiin sida ay u maareyso & daruufaha dhexda ay u gashayba ay Malaayiin Dollar ilaa waqti dheeraad ah ka salfan doonto.

31/03/2026

Waxaan la yaabay qofka aaminsan in Xasan marka uu muddo xileedkiisu dhammaado uu dalka xoog ku sii haysanayo.

War heedhe, Xasan hadda xoog kuma hayo dalka, mustaqbalka kuma qabsan karo xoog. Hadda waa madaxweyne, balse maalinta uu waqtiga ka dhaco, Liban Iyow waxba k**a duwana, taas ogow.

Intaa waxaa dheer, Xasan qof ka jilicsan malahan

31/03/2026

WAR DEG-DEG AH

lsraa’iiI ayaa hakisay dhammaan iskaashiga difaaca ee ay la lahayd 🇫🇷 Faransiiska, isla markaana joojisay heshiisyo milatari kadib muran ka dhashay diidmo ay Paris ka muujisay isticmaalka hawadeeda diyaarado milatari oo ku wajahan Mareykanka.

Wararka ayaa sheegaya in Faransiisku uu diiday in hawadiisa loo isticmaalo duulimaadyo la xiriira sahay milatari oo Mareykanku u dirayo lsraa’iiI, arrintaas oo sii kicisay xiisad diblomaasiyadeed oo u dhexeysa labada dal.

lsraa’iiI ayaa ku jawaabtay joojinta heshiisyadii difaaca iyo iskaashigii milatari ee ay la lahayd Faransiiska, iyadoo tallaabadan loo arko mid sii adkaynaysa khilaafka ka taagan gobolka Bariga Dhexe.

Want your business to be the top-listed Beauty Salon in Garowe?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Telephone

Website

Address

Garowe