HimiLo media

HimiLo media

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from HimiLo media, Hargeisa.

04/10/2022

𝐒𝐇𝐄𝐄𝐊𝐀𝐃𝐀 𝐌𝐀𝐀𝐍𝐓𝐀 𝐒𝐔𝐁𝐀𝐗𝐃..

QISO YAR OO CIBRA QADASHO MUDAN.

Waxaa Laga Sheekeeyaa Waqtigii h**e In Boqor uu Dowladiisu ku Amray In Ruuxii Kalmad Wanaagsan ku Hadlaba La siiyo 400 Diinaar. Haddaba, Maalin isagoo Magalada ku Wareegaaya Ayuu wuxuu Arkay Nin Oday Beeralay Ah Oo Beeraaya geed Zaytuun.

Boqorkii baa wuxuu ku yiri Ninkii Odayga Ahaa:- Maxaad U Abuureysaa Geedkan Zaytuunka ah, Iyadoo ay ubaahan tahay 20sanno Si ay u Miro Dhasho, Adiguna 90 jir baa tahay, Ajashaduna wey soo Dhowdahay Oo waad Gabowday?

Odaygi Beeraleyda ahaa ayaa yiri:- kuwii inaga Horeeyay way Abuureen, inagaana Goosanay, inaguna waanu Abuureynaa si ay u Goostaan kuwa soo Socda.

Intaa ka dib Boqorkii ayaa yiri:- waad Wanaajisay Hadalkaaguna waa Kalmad Wanaagsan. markaas ayuu Amray inla sIiyo 400 Diinaar. Haddaba, Odaygii 400 Diinaar ayuu qaatay, ka dibna wuuna Dhoola Cadeeyay.

Boqorkii ayaa Weydiiyay:- Maxaad u Dhoala Cadeysay? Odaygii Beeralayda ahaa ayaa yiri:- Geedka Zaytuunka 20sanno, ka dib ayuu Mira Dhalayaa, aniganaa Geedkeyga Hadda ayuu Miro Dhalayaa. Haddana, Boqorkii ayaa yiri Waad Wanaajisay, hadana wuxuu Amray in la siiyo 400 Diinaar.
Odaygu wuu Qaatay Lacagta, hadana wuu Dhoola Cadeeyay, Boqorkii ayaa misana Mar labaad weydiiyay:- Maxaad la Dhoola cadeYsay? Odaygii baa yiri:- Geedka Zeytuunka Sanadkii Hal mar ayuu Mira Dhalaa, anigana Geedkayaga Labo mar ayuu Mira Dhalay Boqorkii ayaa yiri:- Waad Wanaajisay, wuxuuna Amray in 400 Diinair kale la siiyo.

ka dib Boqorkii si Dhaqsi ah ayuu uga soo Tagay Odaygii Beeralayda ahaa, Askartiisii ayaa Weydisay maxaad uga soo Carartay Ninka Odayga ah? Boqorkii baa yiri:- Hadaan Maanto Dhan Ag joogo Khazanadaha Maalka ayaa Dhamaanaayo Ninka Odayga ahina Hadal Wanaagiisu ma Dhamaanaayo.

FIIRO GAAR AH.
Walaalayaal Haddii Boqorkaasi uu yiri Ruuxii Eray Wanaagsan ku Hadla 400 Diiniar baan siinayaa, ka dibna uu Ninka Odayga Ahaa Saddex jeer markuu siiyay markii Afradna uu ka soo Cararay si ay Khaznadihiisu u Dhamaan

ka waran Allaah SW, oo Aan Khasanadiisu Dhamaaneynin Oo kuu Balan Qaaday Wanaag walba, ee Aad Sameyso Inuu kugu Ajar Siinaayo, misana wax ka sii Wanaagsan kugu Bedalaayo, Ajarkii Aakhirana uu gaar kuu yahay, waa tuu Allaah SW, yiri:- Halkii Xasaanaad aad sameysaan Toban(10) ayaan idiin kugu Abaal marinaa.

Ha yaraysan Khayrku waligii wuu Mira Dhalayaa, Kalmad Wanaagsan oo aad Walaalka ku Tirahdaba ha Ahaatee.

Wabillaahi Towfiiq.
(ILAAHOOW KHEERKA NA WAAFAJI, YAA RABBI)....

18/07/2022

Prevention is better than cure

18/07/2022
Want your business to be the top-listed Beauty Salon in Hargeisa?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Telephone

Website

Address

Hargeisa

Opening Hours

Monday 06:00 - 22:00
Tuesday 06:00 - 22:00
Wednesday 06:00 - 22:00
Thursday 06:00 - 22:00
Saturday 06:00 - 22:00
Sunday 06:00 - 22:00