Nuradin habib
Hal abuur xikmadysan
Waxyaabaha aanan soonka jebinin waxaa ka mid ah:
1. Dhiig qof loo shubo
3. Qubeyska
4. Cadaysiga
5. Candhuufta
6. Cunid & cabid aan loo qasdin - hilmaan
7. Matag kusoo dhaafay oo aan qasad aheyn
8. Janaabo kaa imaatay adigoo maalinkii hurda
9. Waaga oo kuu barya adoo janaabo qaba
Waxyaabaha Soonka jebiya waxaa ka mid ah:
1. Cunid & cabid
2.Jimaaca maalinkii
3. Matag kas la isaga keeno
4. Cirbado nafaqo leh oo la qaato
5. Shahwada oo la isaga keeno si kas ah
6. Caadada & xeydka dumarka
7. Haddii uu diinta ka baxo isagoo soomman
8. Haddii uu waasho isagoo soomman
Sidoo kale, iska illaali waxyaabaha naaqusiya ajirka soonka oo ay ka mid yihiin:
1. Xanta
2. Caayda
3. Isku dirka
4. Beenta
5. Indhaha oo meel xun lagu eego
6. Dhegaha oo xumaan lagu dhegeysto
7. Qamaarka oo la dheelo
8. Dagaalka
Waxyaabaha sare u qaada ajirka soonka waxaa ka mid ah:
1. Qur'aan akhriska badan
2. Salaadaha sida taraawiixda & taajudka
3. Wanaagga oo la is-faro xumaanta oo la iska reebo
4. Dariiqa oo laga qaado waxyaabaha dadka dhibaaya
5. Indhaha oo la laabo
6. Carrabka oo la xakameeyo
7. Masaajidka oo la cammiro
6. Farjiga oo la dhowro
Soonka qofku waa uu iska furi karaa haddii
1. Uu yahay musaafir
2. Uu xanuunsado xanun daran
3. Ay ucabsato ilmaha ay nuujinayso ama midka caloosha ku jira
Allah Nagaadhsiiyo
Allaha naga aqbalo soonka iyo salaada
Dhamaanteen aamiin aamiin aamiin
xabibkeena N.n.k.h. ﷺ ﷺ ﷺ
21/02/2024
Sheeko yar ila dhameyso walaal
Islaan baa farmashiye ay dawooyinka ka iibsan jirtay wiil dhallinyaro ahoo iibiya inta ay ka heshay, weydiisay: “Xaas ma leedahay?”
Waxa uu yiri: “Saddex xaas baan qabaa”.
Waxay tiri: “Nin wax bartay baabad tahaye, qarnigan 21aad in aad saddex xaas hal mar qabtid, sidee ku dhacday?”
Waxa uu yiri: “Waan kaaga jawaabayaa: Xaaskayga koowaad waa ina adeertay aannu is ku dhiig nahay, guurkeedana adeerkay baan ku raalli gelinayey. Xaaskayga labaad waa ina abtiday oo way iga naxaysaa, hooyaday baanan ku raalli gelinayey. Xaaskayga saddexaad aniga ayaa jeclaaday, naftayda ayaanan ku raalli gelinayey”.
Waxay ku tiri: “Ilaahay ma jeceshahay?”
Waxa uu yiri: “Haa”.
Waxay tiri: “Anigana igu afarayso oo Ilaahay ku raalli geli”.
Eebbe inuu ku raalli geliyo ayuu iyadiina u guursaday oo ugu afaraystay.
Ninkaas khayr Allaha siiyo, isagoo kale ummadda Alle ha ku badiyo, annagana kuwii raadkiisa raaca Alle ha inaga dhigo.
Aamiin dhaha 🙏😶
✍️
18/07/2023
20/02/2023
17/01/2023
09/01/2023
Dhiiri galintu waaa dhankiina
Dhalbaaladuna waa dhnakayga
08/01/2023
Nagu dhiiri gali
Like, share iuo comment
18/12/2022
Ka dhigo jadwalka 2023 i a☝️
05/12/2022
Laga yabaa in ay nafteenu dareemaysay wax aysan dareemayn naftiinu, qalbiyadeenuna ay xambaarsan yihiin wax aysan awoodin
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the business
Telephone
Website
Address
Hargeisa
WAAHEEN
Opening Hours
| Monday | 09:00 - 17:00 |
| Tuesday | 09:00 - 17:00 |
| Wednesday | 09:00 - 17:00 |
| Thursday | 09:00 - 17:00 |
| Friday | 09:00 - 17:00 |
