Cabdiladiif yuusuf
Cabdiladiif
12/08/2022
Gudoomiye xirsi
12/08/2022
Fartuun Cabdiqaadir ayaa gashay kaalinta 1aad Tartanka quraanka 30-Juz qaybta gabdhaha ee lagu qabtay Minnesota, dalka Maraykanka.
Fartuun waxaa la guddoonsiiyay gaari Toyota Highland 2022 ah, iyo Cumro qiimaheedu dhan yahay 20,000 dollar iyo 46 kun oo dollar lacag caddaan ah.
M.sha allah
13/05/2022
Waxa geryooday madax waynihii dalka imarad ka carabta 😥😥
11/05/2022
Wakaaladda Biyaha Hargaysa :-
Wafti Ka Socda Hay,adda Step30 international Ministries ee reer Tiawan iyo Xafiiska Taiwan oo Maanta booqasho ku yimid Xarumaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa:
WBH waxaa maanta booqasho noogu yimi mas’uuliyiin ka socda Hay’adda Step30 international Ministries iyo Xafiiska Taiwan oo uu hogaaminayo xoghayaha koowaad ee Xafiiska Mr.Han-ching Fan, Hay’adda Step30 oo maalgalisay hal Ceel oo lagu daray nidaamka Biyaha Geed-deeble.
Ceelka Taiwain ay ka taageertay Wakaaladda!
Ceelasha Wakaaladdu gacanta ku haysay ee h**e loo qoday ama u shaqayn jiray waxa ay dhamaayeen 14 Ceel oo dhaadheer oo ah kuwa hadda shaqeeya ama waraabiya qaybo ka mid ah Hargeysa iyo Kaalmaha Biyaha ee ay ka dhaamiyaan gaadiidka yare ee biyaha qaadaa kuna jiraan kuwa loo yaqaan mootada iyo gaadhi-dameerku.
Waxa sidoo kale mashruuca biyuhu hirgaliyay 6 ceel oo cusub, oo saddex ka mid ah iyo 14-ka ceel ee h**e u shaqayn jiray hadda ku xidhiidhsan yihiin nidaamka Biyo-soo-saarka Hargeysa ee cusub.
Halka 3-ceel ee kale la dhamaystiray qoditaankooda August, 2021, ay dhawaan bilaabmi doonto kusoo xidhaantaankooda nidaamka cusub ee Biyaha Hargeysa.
Ceelka Taiwan hirgalisay ayaa isagu ah mid lagu baddelay mid ka mid ceelasha h**e oo cillado yeeshay.
Hawlo intee leeg ayay Taiwan ka taageeraysaa Wakaaladda Biyaha Hargeysa?
Ilaa hadda Hay’adda Step30 International Ministries oo matalaysa Dawladda Taiwan waxa ay dhaqaale ahaan taageertay hal ceel, waxa uuna qorshaha hordhaca ee labada dhinac ka wada hadleen dhigayay in 3-ceel ay guud ahaan taageeraan.
Mashaariicda Horumarinta Adeega Biyaha iyo Wakaaladda Biyaha Hargeysa!
Wakaaladda Biyaha Hargeysa waxa ay gacanta ku haysaa mashaariic horumarineed oo isugu jira ‘Cusboonaysiinta Adeega Biyaha iyo fidintiisa’, waxa ay mashaariicdani isugu jiraan laba waji oo kii h**e hadda dhamaaday halka wajiga labaadna Gabagebo ku jiro.
Saaxiibada dhinaca horumarka ka taageera Dawladda Somaliland ee kala ah Midawga Yurub(EU), Dawladdaha UK, Germany, Netherlands, Denmark iyo Norway iyo Shirkadda Cocola ayaa gacan ka siiyay hirgelinta mashruuca Biyaha Hargeysa.
Wakaaladda Biyaha Hargeysa oo ah Hay’ad koboc dhinacyo badan ah samaysay sannadihii u dambeeyay waxay dedaal badan galisay sidii mashaariicdani u midho-dhali lahaayeen iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda shaqo ee ay Qaranka ugu xilsaaran tahay.
Weftiga soo booqday Wakaaladda!
Xubnaha weftiga waxa ka mid ahaa, Emily Tao, Agaasimaha Miisaaniyadda ee Hay’adda Step30 iyo Ruby Tsai oo ah Agaasimaha Mashaariicda ee Africa ee Step30.
Weftigan iyo mas’uuliyiin ka tirsan Wakaaladda Biyaha Hargeysa ayaa booqday ceelka ay maal-gelisay hay’adda Step30.
Waxa ay sidoo kale booqdeen Xarunta Guud ee Wakaaladda, Shaybaadhka Hubinta Tayada Biyaha Hargeysa, Xarunta Maareynta Biyaha Hoose iyo Biyo-xidheenada, Xarumaha Biyo-soo-saarka Geed-deeble iyo Biyo-khadar(Biyo-shiinaha).
Heshiiska is-afgarad ee Wakaaladda iyo Hay’adda Step30 International Ministries ayaa lagu saxiixay Xafiiska Taiwain November 28,2022, waxaana ceelkan ay taageereen xadhiga laga jaray March 2022.
Allah ayay mahad oo dhan u sugnaatay.
06/05/2022
Hor mar Lagadhay 🥰🥰
06/05/2022
Gopolkii cagaar naa ❤️❤️
Raggi h**e 🤣🤣
Taalanti
Click here to claim your Sponsored Listing.
