m. waxgarad

m. waxgarad

Share

23/06/2025

Waxaa la is weydiinayaa "suuraggal ma tahay in xarunta Nukliyeerka Iiraan ee Fordow si fudud loo burburiyo?"

Khubaradu waxay leeyihiin xarunta nukliyeerka Iran ee Fordow, oo ku taalla buuraleyda adag ee Qom, waa mid aad u qoto dheer oo ilaa 90 mitir gaaraysa kuna taalla buur hoosteed. Haddii arrinkaa Maraykanku isku dayo, Bamka ugu culus ee uu hayo ee GBU-57 ‘MOP’, wuxuu ugu badnaan dhulka hoos u geli karaa 60 mitir oo keliya, taas oo ka dhigan in aysan sahlanayn in la gaaro ama la burburiyo xaruntaas. Ku darsoo lixdankaas mitir waa dhisme caadi ah oo dhulka hoostiisa ah, markase ay buur noqoto in wax is beddelaan waa suuro oo tiiradu intaas ka soo gaabato!

Sida keliya ee si dhammaystiran loogu burburin karo xaruntaan, waa in la adeegsado hub nukliyeer ah oo ah nooca loo yaqaano “tactical nuclear”. Noocani waa hub nukliyeer ah oo yar oo loogu talaggalay goobaha dagaalka, laguna beegsado meelo gaar oo milleteri. Haddaba sidaas Maraykanku ma samayn karaa?

Maya ayay leeyihiin khubaradu, sababtoo ah falkaasi wuxuu furi karaa albaabka in Ruushkuna hub noocaas ah uu u adeegsado dagaalka Ukraine, sidaasna uu ku noqdo sunno Maraykanku jideeyay!

Xaalku waa jiq! Waxaan xusuustay tixdii Cabdi-qays ee ahayd:

Maskii qarada weynaa
Wuu qaraabanaayee
Qorratada markuu helay
Afka quduro loo geli;
Markuu qaaday kala garay
Inay labo qisaasood
Qoortiisa suran tahay!

Qaad oo ma dhigi karo
Qabay oo ma liqi karo
Ha qaniinsanaaduun!

Want your business to be the top-listed Beauty Salon in Hargeisa?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Website

Address

42566
Hargeisa
4333