Dr Dhaayaha
(dr dhaayaha) waa meel lagu soo gudbiyo arimaha caafimaadka guud hadaad su'aal hayso,ama warbixin caafimaad nalasoo wadaag.
And Is coming 👀
Is coming
Dr Dhaayaha (dr dhaayaha) waa meel lagu soo gudbiyo arimaha caafimaadka guud hadaad su'aal hayso,ama warbixin caafimaad nalasoo wadaag.
Sida losameyo murayadaha araga
21/06/2025
Dr Dhaayaha kalasoco farimo caafimaad insha allah
07/02/2025
Caafimadka indhaha halkan kalasoco fadlan Dr Dhaayaha
27/01/2025
Hambalyo Dr mohamed
27/01/2025
Bismillahi..
Ilaahay ayaa mahad oo idil u sugnaatay oo dunida ku beeray geedo daawo xambaarsan, maanta casharkeenu waa dhir kale oo qiimo badan ku fadhiso laakiin nasiib xumo dadkeena aysan aqoon badan u lahayn, iyagoo beeran kara hadane aysan beeran.
Waa geedka "HURUUDKA".
Huruudka waxaa lagu tiriyaa geedaha ugu caansan dhinaca daaweynta iyo ka hortagga cudurro dunida dhibaato badan ku hayo, waa geed aad loo diraaseeyay illaa iyo haddane la qiyaasayo in laga diyaariyay in ka bada 6,000 oo cilmibaaris qiimo leh "Peer-reviewed articles".
Cilmibaarradaas qaarkood waxay sheegeen inuu geedkaan gali karo badalka illaa 10 daawo oo maanta dunida aad looga isticmaalo.
Marka h**e aan ku bilaabo cudurrada ay cilmibaaradaas badankood isku raaceen inuu daawo u yahay:
𝐌𝐢𝐥𝐞 𝐝𝐡𝐢𝐢𝐠: Dad badan ayaa qaato daawooyin loogu talagalay inay dhiigga milaan, dadkaas oo loo siiyay si loo daaweeyo ama looga hortago xinjiroobista dhiigga oo halis u ah wadna xanuunka iyo cudurka faalij-ka, daawooyinkaas waxaa ka mid ah: Asprin, Clopedigrol, Warfarin, Enoxaparin iyo kuwa kale. waa daawooyin qofka qaadanayo lagula taliyo inuusan isbitaalka ka fogaan maadaama dhiigbax keeni karaan, sidaas ay tahayne lagama maarmo laakiin waxay cilmibaarayaashu sheegeen in huruuuda ay ku jirto maaddo loo yaqaano "curcumin" oo qabanayso howsha daawooyinkaas, waxyeellane aanan jirka ku reebaynin, sidaas dareedeed dadka dhiiggooda uusan dhakhso xinjiroobin waa looga digaa huruuda inay isticmaalaan.
𝐍𝐢𝐲𝐚𝐝 𝐝𝐚𝐣𝐢𝐲𝐞: Huruuda waxay daawo u tahay diiqada, cilmiaaris lagu sameeyay 60 qof oo qaba cudurka "Major Depressive Disorder" ayaa waxaa loo qeybiyay laba koox, kooxda 1-aad waxaa la siiyay daawada "Prozac", kooxda kalane waxaa la cabsiiyay "Huruud", waxaa la arkay in huruuda aysan ka yaraysan daawada ugu caansan ee loo adeegsado niyad jabka ee prozac, Sidaas ay tahayne waxyeello kuma reebin dadkii isticmaalay huruuda markii loo fiiriyo kuwa qaatay daawada "prozac", sidaas awgeed waxay ku taliyaan dadka qabo niyadjabka fudud in la doorbido in huruuda la siiyo badalka daawooyinka.
𝐋𝐮𝐫 𝐛𝐢'𝐢𝐲𝐞: Waxaa afka qalaad lagu dhahaa "Anti-inflammatory" waa hur ama lur keena xanuno badan, maadada "curcumin" ee ku jirta huruuda waa lur bi'iyaha ugu awoodda badan ee dunida yaallo maanta sida ay cilmibaarayaal ah ay tilmaameen, waxay barbardhigeen daawooyinka caanka ah ee loo adeegsado lur bi'inta sida "Diclofenac" iyo "Ibuprofen", xanuunada ugu caansan ee lurka u saaxiibka ah waxaa ugu h**eeya xanuunada lafaha ku dhaca sida roomaatiisamka, riixa, dhabar xanuunka iyo xanuunada raaga ee murqaha iyo neerfaha ku dhaca.
diraasadaha mid ka mid ah waxay hruduuda ku tijaabisay dad qaba xanuunka roomaatiisamka iyadoo la barbardhigay daawada "diclofenac", waxaa la arkay dadkii qaatay huruuda inay ka xanuun yaraayeen, shaqadooda si sahlan u qabsadeen iyagoo wax waxyeello ah ku reebin, sidaas daraadeed shirkado ayaa bilaabay inay qaab kaniini capsule ah ka dhigaan si loogu adeegsado xanuunka roomaatiisamka iyo riixa.
𝐊𝐚 𝐡𝐨𝐫𝐭𝐚𝐠𝐞 𝐤𝐚𝐧𝐬𝐚𝐫:: Maadada curcumin ee huruuda wuxuu alle ku abuuray awood dilis unugyada kansarka, diraasad lagu sameeyay sheybaar iyadoo huruuda lagu tijaabiyay unugyo kansar ah, waxaa la arkay inay unugyadii kansarka noqday inay baab'isay, kuwii isu badali rabayne ay ka hortagtay, cilmibaaris kale waxaa huruuda lagu tijaabiyay dad qaba kansarka ku dhaca mindhicirrada iyadoo bukaananda lala siiyay daawada kiimikada ah, waxaa la arkay kooxdii huruuda loogu daray inay si dhakhso ah wax looga gartay. waxay cilmibaaristaan iyo kuwa kalaba dunida tuseen ahmiyadda huruuda taasoo dhakhaatiir badan kula taliyaan bukaannadooda laga helo xanuunada kansarka.
𝐌𝐚𝐜𝐚𝐚𝐧 𝐝𝐡𝐢𝐦𝐞:Huruuda waxay hoos u dhigtaa macaanka, waxay firfircooni siisaa hormoonka "Insulin", cilmibaarisyada mid ka mid ah waxay sheegtay in huruudu ay ka awood badan tahay 400 jeer daawada la dhaho "metformin" oo ah daawada ugu caansan ee loo isticmaalo macaanka ama sonkorowga nooca 2-aad. waxaa kaloo la arkay in huruuda ay baab'iso dhibaatoyinka ay sonkorta ku reebtay jirka qeybihiisa sida neerfaha, kilyaha, indhaha iyo xididada. cilmibaarayaal qaar ayaa tilmaamay rajo in haddii insuliinta ay dib u howlgasho oo firfircooni yeelato in cudurka macaanka uu ka tagi karo qofka!!.
𝐃𝐡𝐞𝐞𝐟𝐬𝐡𝐢𝐢𝐝 𝐍𝐚𝐝𝐢𝐢𝐟𝐢𝐲𝐞: Huruuda waxaa la arkay in dhowr cudur oo mindhicirrada ku dhaco inay wax ka tarto oo illaa iyo maanta daawo loo heynin, waxaa ka mid ah xanuunka lurka mindhicirrada ee loo yaqaano "Crohn's diseases,
Xanuunka boogoobidda maroorka "Ulcerative Colitis",
Xanuunka Mindhicirrada Kacsan "Inflammatory Bowel Syndrome:
𝐃𝐮𝐟𝐚𝐧 𝐝𝐚𝐣𝐢𝐲𝐞: Huruuda waxay hoos u dhigtaa dufanka dhiigga ama kolestaroolka, daawooyinka maanta dunida laga isticmaalo waxay leeyihiin waxyeello dhinaca beerka iyo kilyaha ah, laakiin huruuda waxay hoos u dhigtaa kolestaroolka, waxyeellane ma keento, wax ka baro cudurka
Kolestaroolka:
𝐗𝐚𝐧𝐮𝐮𝐧 𝐁𝐚𝐚𝐛'𝐢𝐲𝐞: huruuda waxaa ku jirto awood xanuun baa'iye ah taasoo lagu arkay dhowr cilmibaaris, qaabka ay xanuunka u baab'iso ayaa ah inay ka shaqaysiiso nidaamka xanuunka ee loo yaqaano "Opoid System", sidaas awgeed bukaano badan ayaa lagu tijaabiyay, wuxuuna machadka "US. Army Institute Of Surgical Research ku taliyay in huruuda loo adeegsado ku daaweynta xanuunka dadka gubtay, maadaama qofka gubtay u baahnaanayo xanuun baa'biyeyaal badan oo hadhow waxyeello ku reebi kara.
Badalka daawada "Steroid"-ka: waa daawo waxyeello badane leh, hadane aan laga maarmin, waxaa lagu daaweeyaa xanuuno badan, sidaas awgeed cilmibaarisyada waxay tilmaameen in huruuda ay sida daawadaas oo kale u shaqayso oo gali karto badalkeeda, xanuunada lagu daaweeyo waxaa ka mid ah: Findoobka, Neefta, Sanboorka, cuncunka dhuunta, qufaca riiraxyada leh oo dadka hurdada u diido habeenkii, Caadka indhaha fuulo, Bogsashada nabraha, dheefsiid xumada, hurdo la'aanta, kilyo xanuunka, qanjirro bararka, murqo xanuunka, korriimo xumada caruurta, cilladaha maqaarka ku dhaco iyo kuwa kale oo badan.
𝐌𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐤𝐚𝐥𝐨𝐨 𝐡𝐮𝐫𝐮𝐮𝐝𝐚 𝐥𝐨𝐨 𝐢𝐬𝐭𝐢𝐜𝐦𝐚𝐚𝐥𝐚𝐚?
Huruuda waxaa loo adeegsada qurxinta jirka, taasoo aad looga adeegsado wadankeena, waxay ifisaa maqaarka, waxay yaraysaa findoobka iyo nabarada wajiga ka soo baxo.
Waxaa kaloo huruuda loo isticmaalaa carfinta cuntada iyo midabaynta cuntada, inkastoo dadkeena qaarkood ay cuntada ka ilaashadaan in ay u isticmaalaan.
𝐇𝐮𝐫𝐮𝐮𝐝𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐞𝐞𝐧𝐚 𝐦𝐚 𝐥𝐚𝐠𝐚 𝐡𝐞𝐥𝐚𝐚?
Huruuda asalkeeda waxay ka timid dalka Hindiya, halkaas ayaana dunida badankeed looga dhoofiyaa, laakiin wadamo badan oo beertay ayaa jira, taariikhda huruuda markii laga sheekaynayo waxaa la sheegaa wadankii ugu h**eeyay ee la geeyo wuxuu ahaa dalka shiinaha "CHINA", waxaa ku xigay oo la geeyay bariga africa oo la sheego inay timid waqti ku aadan 700 sano ka hor dhalashada nabi ciise, markaasoo doomo lagu keeni jiray xeebaha bariga africa, sidaas ayaana loogu beeray.
Soomaaliya waxay ka mid tahay dhulalka Huruuda ay ka bixi karto, haddii taariikhda la fiiriyane waa lagu beeri jiray, laakiin nasiib xumo, waxaa hadda lagu beeraa wadamada dariska aan dhahay oo noolaga keenaa iyadoo budo ah, sida ethiopia, kenya illaa Sudan waa lagu beeraa.
Dadka xiiseeyo beerashada geedaha daawada leh khaasatan qolooyinka keenay geedka "Moringa" waxaan kula talin lahaa in la bilaabo beerashada huruuda oo la qiyaasayo in dhulkeena ay ka soo bixi karto huruud tayo leh,
𝐒𝐢𝐝𝐞𝐞 𝐥𝐨𝐨 𝐢𝐬𝐭𝐢𝐜𝐦𝐚𝐚𝐥𝐚𝐚 𝐇𝐮𝐫𝐮𝐮𝐝𝐚?
Huruuda iyadoo qalalan iyo iyadoo qoyan intaba waa la isticmaalaa, faa'idadane waxay ku badan tahay midda fresh-ka ah oo qoyan ama isla markaas la shiiday, cunis iyo cabitaan intaba waa loo isticmaalaa, waxaa jirta siyaabo kala duwan oo loo isticmaalo waxaana ugu caansan qaababkaan:
Bariiska oo lagu darsado markii la karinayo.
Mushaarida waa lagu karsadaa
Shaaha iyo caanaha waa lagu qastaa.
Rootiga iyo canjeelada ama laxooxda waa lagu dubtaa.
Maraqa la cabo waa lagu darsadaa.
Qudaarta iyo cagaarka waa lagu bilbilaa markii la cunaayo.
Waa lagu cadaystaa sida daawada ilkaha oo kale.
Dhaawacyada nabraha waa lagu shubaa
Daawooyinka kale waa lagu qasaa sida malabka oo kale.
Biyo qandac ah ayaa lagu qasaa, kadibne waa la cabaa, waa qaabka ugu badan ee loo isticmaalo.
Dad badan ayaa geedkaan ku qaladay Zanjabiilka ee fadlan halkaan ka akhriso Sanjabiilka iyo Caafimaadka laga helo.
W/Q: somali Doc
👉𝐆𝐚𝐚𝐝𝐡𝐬𝐢𝐢 Ama 𝐌𝐞𝐧𝐭𝐢𝐨𝐧 Dheh Asxaabta si Eey uga faaideystaan.👈
𝐬𝐡𝐚𝐫𝐞- dheh wll
29/11/2024
بِسْمِ اللهِ الرَّحْمٰنِ الرَّحِيْمِ
_________________
FAALIGGU WAA XANUUN INAGU SOO BADANAYA BULSHO AHAAN!
______________________________
Xanuunkan Faaliga / qalalka badanaa waa mid ku dhaca dadka la nool xanuunada jiitama ama halista ugu jira xanuunada jiitama.
Faaligga badanaa waa saddex-nooc oo kale ah
_____________________________
1- Mid qofka wakhti yar oo kooban xinjir xidho kadib saacado kadib xinjirtu ka dhaqaaqdo meesha.
2- Mid xinjirtu ay xidho xidida maskaxda taas oo wakhti badan xididkaa xidha ,kadib dhiigii oo ka xidhma qayb maskaxda ka mid ah.
3- Xididada maskaxda oo cadaadiska dhiigga oo sareeya iska xajin waaya kadib qarxa,maskaxda oo uu dhiig badan uu ku furmo .
Dadka badanaa halis ugu jira waxa ka mid ah
_______________________________
1- Qofka dhiikarka leh.
2- Qofka macaan ama sonkor la nool.
3- Qofka beer subagga leh.
4- Qofka miisaankiisu uu aad u sareeyo.
5- Qofka heerka jimicsigiisu uu hooseeyo.
6- Dadka sigaarka caba.
7- Qof walba oo isticmaala balwadd.
8- Hiddaha oo dhakhaatiirtu marmar ay ku darto.
9- Iyo qodobo kale oo xagga deegaanka la xidhiidha.
Calaamadaha sida fudud kuu sheegaya in qofka uu faalig soo wajahay waxa ka mid ah
______________________________
1- Dhinac(lug iyo gacan ayaa shaqada gabaya).
2- Dhinaca shaqada gabay ,gacanta markaad qabato awood uu kugu xajiyo maleh.
3- Hadalka uu ku adkaanayaa.
4- Wajiga dhinac ayaa soo ururaya ,afkuna uu qaloocsamayaa.
5- Gariir ayaad ku arki kartaa.
6- Dhidid badan .
Maxaa lagaga hortagi karaa?
________________________
1- Qofka macaanka leh oo daawadiisa sida dhakhtarku ugu sheegay u qaata.
2- Qofka dhiikarka leh oo daawadiisa iyo cabirkiisa la socda.
3- Qofka beer subagga la nool oo daawadiisa iyo cadaadiska dhiiga la socda.
4- Miisaanka oo qofku yareeya inta la ogol yahayna ku ilaaliya.
5- Balwadaha oo layareeyo kadib la joojiyo hadday tahay mid la cabbo ,la qiijiyo ama lacuno.
6- Qofka h**e uu faalig ugu dhacay oo daryeelkiisa la joogteeyo sida cabirka cadaadiska dhiigga,heerka sonkorta ,in 3biloodba mar uu iseego dhamaan shaybaadhada muhiimka ah,jimicsi iyo jidh xanaanayn joogto ah ,cunto dheeli tiran iyo talo dhakhtar oo joogto ah.
7- Nafaqo ahaan qofka oo kor isku qaada.
“Caafimaadkaagu gacantaada ayuu ku jiraa, Talooyinka dhakhaatiirta aynu raacno Qof walba inuu dhakhtar ku xidhnaado waa muhiim”
Abdirahim Xabsi
16/09/2024
𝐃𝐀𝐀𝐖𝐀𝐃𝐀 𝐓𝐈𝐌𝐀 𝐃𝐀𝐀𝐃𝐀𝐒𝐇𝐀𝐃𝐀 AMA 𝐆𝐎'𝐆𝐀.
𝐊𝐨𝐥𝐚𝐚𝐣𝐢𝐢𝐧 ( Collagen) waa borotiin mas'uul ka ah caafimaadka jirka, oo ka qeyb qaata 𝐱𝐨𝐨𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐭𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚, lafaha, 𝐝𝐚𝐛𝐚𝐜𝐬𝐚𝐧𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐦𝐚𝐪𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚, badqabka wadnaha, caafimaadka hab-dhiska dheefshiidka, iyo badqabka murqaha, seedaha, iyo kala goysyada jirka.
Waxaa laga yaabaa in jirkaaga uusan ku filneyn xaddiga collagen-ka ee aad ka hesho cuntooyinka aad cunto, ama aadan si joogto ah u cunin cuntooyinka laga helo collagen-ka, sida kalluunka nooca Salmon-ta loo yaqaan, khudaarta cagaaran, iyo ukunta.
𝐅𝐚𝐚'𝐢𝐢𝐝𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐜𝐨𝐥𝐥𝐚𝐠𝐞𝐧-𝐤𝐚:
1- Borotiinkaan wuxuu ka hortagaa gaboobka ama cimri deg-deg ku dhaca maqaarka, sida in qofka haraggiisu duuduub yeesho xilli h**e.
2- Collagen-ka wuxuu ka hortagaa daadashada ama jajabka timaha, wuxuuna ka qeyb qaataa bixinta ama koriimada timaha iyo caafimaadka cidiyaha.
3- Borotiinkaan wuxuu yareeyaa xanuunka kala goysyada jirka wuxuuna sqra u qadaa caafimaadka kala goysyada jirka.
4- Wuxuu kaloo faa’iido u leeyahay lafaha, sida xoojinta iyo caafimaadka guud ee lafaha.
5- Wuxuu yareeyaa caabuqyada ku dhaca kala goysyada, sida roomatismaka iyo riixa.
6- Sidoo kale, wuxuu ka qeyb qaataa badqabka iyo caafimaadka hab-dhiska dheefshiidka.
7- Wuxuu sare u qaadaa caafimaadka wadnaha.
Borotiinkaan wuxuu ka qeyb qaataa badqabka iyo caafimaadka murqaha iyo seedaha.
Dr Dhaayaha
15/08/2024
Waxa ay African CDC ku dhawaaqday xaalad degdeg ah oo ku aadan xanuunka MONKEYPOX. Waa xanuun halis ah. Ilaa hadda waxa laga helay 16 wadan oo Afrika ku yaala oo ay ku jiraan, Kiiniya, Yugaandha iyo Ruwaandha. Waxa sidoo kale laga helay dalka Iswiidhan qofkii ugu h**eeyay maanta. Waa xanuun ka mida ku wa faafa.
Waxa aad moodaa in halistaa caafimaad aan deegaanada Soomaalida laga hadal hayn, sida dhulalka kale looga hadal hayo ilaa heer uu gaadhay in ay dawladuhu xaalad degdeg ah oo ku aadan xakamaynta iyo ka hortaga xanuunka ay ku dhawaaqeen.
Maamulada dhulka Soomaalida ka jira, Saxaafada iyo dadka kale ee hawlaha Caafimaadku khuseeyo waxa habboon in ay xil iska saaraan arinkan, haddii kale hadhow daal badan baa inaga bixi doona.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Website
Address
Hargeisa
