Amiin Health Show
Health Information
Health Updates
Awareness Campaign
24/07/2026
Miyay Mashiinnadu Qaali Yihiin Mise Wax Kale Ayaa Qiimaha Kordhiya? Bal Aynu Ogaanno.
Maalmihii u dambeeyay waxaa si weyn looga hadlayay qiimaha adeegyada MRI, CT Scan iyo Raajada (X-ray) ee Somaliland, iyadoo dad badani barbar dhig ku sameeyeen dalal ama magaalooyin kale sida Jigjiga.
Si kastaba ha ahaatee, qiimaha adeegyadan laguma go’aamiyo qiimaha mashiinka oo keliya. Waxaa jira kharashyo badan oo kale oo ay khasab tahay in xarun caafimaad ay bixiso si ay adeegga u sii waddo.
Waxyaabaha ugu waaweyn ee qiimaha kordhiya waxaa ka mid ah:
* Qiimaha sare ee mashiinnada laftooda.
* Soo dejinta qalabka dibadda, oo ay ku jiraan rarista, caymiska iyo cashuuraha.
* Sicir-bararka iyo isbeddelka qiimaha badeecadaha.
* Dhismaha qolal gaar ah oo buuxiya shuruudaha badbaadada.
* Rakibidda iyo dayactirka joogtada ah ee qalabka.
* Koronto joogto ah iyo matoorro kayd ah.
* Mushaharka dhakhaatiirta, farsamayaqaannada iyo shaqaalaha kale.
* Qaybaha beddelka ah iyo cusboonaysiinta software-ka.
* Tirada bukaannada oo kooban, taas oo adkaynaysa in kharashka lagu qaybiyo dad badan.
Tusaale ahaan:
Haddii xarun caafimaad ay soo iibsato MRI qiimihiisu yahay $350,000, kuma eka halkaas. Waxaa ku sii kordhaya kharashka rarista, cashuuraha, dhismaha qolka gaarka ah, rakibidda, dayactirka sannadlaha ah, korontada iyo mushaharka shaqaalaha. Marka la isku daro dhammaan kharashaadkaas, waxaa dhici karta in xaruntu ay bixiso in ka badan nus milyan dollar ka hor inta aan bukaankii ugu horreeyay la baadhin.
Sidoo kale, marka la is barbar dhigayo Somaliland iyo Jigjiga ama meelo kale, waa in la tixgeliyaa kala duwanaanshaha dhaqaalaha, maalgelinta caafimaadka iyo kaabeyaasha adeegyada, maadaama arrimahaasi ay saamayn ku yeeshaan qiimaha adeegyada.
Aragtidayda:
Waxaan aaminsanahay in xal waara lagu gaadhi karo haddii la xoojiyo iskaashiga Somaliland la leedahay dalalka iyo hay’adaha saaxiibka la ah. Iskaashigaasi wuxuu gacan ka geysan karaa:
* Helitaanka qalab caafimaad oo casri ah.
* Tababarka dhakhaatiirta iyo farsamayaqaannada.
* Dhismaha xarumo caafimaad oo casri ah.
* Horumarinta adeegga korontada oo muhiim u ah shaqada mashiinnadan.
Haddii arrimahan la maalgeliyo, waxay mustaqbalka gacan ka geysan karaan hoos u dhigista kharashka adeegyada, si bulshada Somaliland ay u hesho daryeel caafimaad oo tayo leh isla markaana la awoodi karo.
Ugu dambayn, ujeeddadu ma aha in la difaaco ama la dhaliilo xarun caafimaad, balse waa in bulshada loo iftiimiyo arrimaha dhabta ah ee saameeya qiimaha adeegyada sawir-qaadista caafimaadka. Fahamka sababaha ayaa naga caawinaya inaan ka doodno xalal waara oo faa’iido u leh bulshada oo dhan.
Wuxuu Caafimaadkiisa Ku Ilaalin Jiray 2 Milyan, Hase Yeeshee Wuxuu Ka Qaaday Gaastri!
Waxa Uu U Mudaa Carruurta Si Xirfadeysan.
Marnaba Ha Rajo Dhigin!
Halista Baruurta Xad-Dhaafka Ah
Waxa Uu Sameeyay Badbaado Naf-hurnimo Leh
Shaqada Ay Kelyuhu Inoo Hayaan: Intee Ayay Le’eg Tahay?
12 Saacadood Ka Hor Intaanay Isdilin…
Sida Saxda ah ee Loo Qaado Shayada Culus.
“Waligaa ha taaban ama ha dhaqaajin qof shil galay ilaa ay soo gaaraan gurmadka degdegga ah.”
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Address
Hargeisa
NOPOSTCODE
