Osman Musse
"Ku soo dhowaada barta aan ku wadaagno aqoonta, xogta, iyo macluumadka aanada ogayan. Aad ayaan idiinku faraxsanahay inaad qayb ka tihiin asxaabtayda."
Cumaan ayaa sheegtay in saliidda ka daadatay markabka Caroline Bezengi ay hadda ku fiday dhul badeed dhan ku dhowaad 390 kiiloomitir oo laba jibbaaran, una dhiganta qiyaastii 150 mayl oo laba jibbaaran.
Markabka Caroline Bezengi, oo ah tanker weyn oo shidaal qaada, ayaa ku xaniban xeebaha koonfureed ee Cumaan, waxaana la sheegay inuu siday shidaal Qaydhin oo Ruush ah. Markabka ayaa lagu tilmaamay inuu qayb ka yahay waxa loo yaqaan “Russian shadow fleet”, waxaana cunaqabateyn saaray Boqortooyada Midowday iyo Midowga Yurub.
Mas’uuliyiinta Cumaan ayaa sheegay in wasakhowga shidaalku uu ku dhowaanayo xeebaha, taasoo walaac ka dhalisay deegaanka badda iyo noolaha ku nool xeebaha Cumaan.
Wasiirka Isbeddelka Deegaanka ee Spain, Sara Aagesen, ayaa xaqiijisay in ka badan 77,000 oo hektar oo dhul kaymo iyo beero ah ay ku gubteen gobollada Madrid, Ávila, iyo Toledo.
Dabkan ayaa isu beddelay kii ugu weynaa ee dalkaas ka kaca taariikhda dhow, waxaana gobolka Ávila kaliya ku gubtay ku dhowaad 50,000 oo hektar.
Inta dhexaysa 60,000 ilaa 90,000 oo qof ayaa lagu khasbay inay guryahooda ka qaxaan ama galaan gabbaad ammaan ah.Kulaylka daran, abaarta iyo dabaylo xooggan ayaa sababay in dhowr dabin oo kala duwan ay midoobaan, iyadoo cutubyada milatariga ee gurmadka degdegga ah (UME) ay weli la tacaalayaan xakamaynta dabka.
Keyne Yamal, ayaa markale xaday indhaha caalamka ka dib markii uu garoonka dhexdiisa kula dabbaaldegay koobka rasmiga ah ee FIFA World Cup. Sida ay ku warrantay warbaahinta Yahoo Sports, keyne oo 3-jirka ah ayaa noqday hadal-haynta ugu weyn ee dabbaaldegii xulka Spain.
Daqiiqado yar ka dib markii uu dhamaaday kulankii adkaa ee Spain ay 1-0 ugu badisay xulka Argentina, Lamine Yamal ayaa garoonka MetLife Stadium ee gobolka New Jersey soo geliyay walaalkiis Keyne oo xidhnaa maaliyadda xulka Spain ayaa ku dhiirraday inuu qabsado koobka dahabka ah ee rasmiga ah, isagoo sameeyay dhowr muuqaal oo qosol iyo farxad leh oo si degdeg ah ugu faafay baraha bulshada.
Xaaladda Bariga Dhexe ayaa mareysa meel aad u kulul ka dib markii Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan (IRGC) ay gantaalo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) ku garaaceen saldhigyada iyo xarumaha ciidanka Mareykanka ee dalalka Kuwait iyo Bahrain.
Weerarkan ayaa sababay dab weyn oo ka kacay gudaha Kuwait. Waxaa si gaar ah loo beegsaday bakhaarrada hubka iyo raadaarada ku yaalla saldhigga cirka ee Ali Al Salem Air Base, iyo xarun isgaarsiineed oo Mareykanku leeyahay.
Waxaa sidoo kale waxyeelo gaartay warshad korontada iyo biyaha sifeysa, taasi oo keentay in dab uu ka kaco. Sidoo kale, duulimaadyadii Garoonka Caalamiga ah ee Kuwait ayaa si km-meelood ah loo hakiyay.
IRAN ayaa ku cadaadinaysa kooxda Xuutiga Yemen ee ay taageerada hub iyo saadba siiso, in ay qaadaan go`aanka xirida gacanka Baab Al Mandab,si culeys loo saaro Saliida ay dhoofinayaan dalalka Khaliijka, waxayna doonaysaa in lagu qasbo Mareykanka ku laabashada miiska wada xaajoodyad~NEW YORK TIMES.
Muuqaalka loogu daawashada badnaa Koobka Adduunka 2026!Garsooraha u dhashay dalka Marooko balse haysta dhalashada Mareykanka, Ismail Al-Fath, ayaa sujuuday isla marka uu dhamaaday ciyaartii adkayd ee Semi-finalka Koobka Adduunka ee dhexmartay Argentina iyo England.
Maxay kula tahay sujuuddii uu garsoore Ismail Al-Fath sameeyey ka dib markii ay dhamaatay ciyaartii Semi-finalka Koobka Adduunka ee Argentina iyo England?
Dad badan ayaa baraha bulshada ku baahiyeeya, iyagoo u qaatay inuu u dabbaaldegayo guusha Argentina.
Balse adigaa maxaya kula tahayaa?
Waxaa baraha bulshada ku faafaya warar iyo sawirro sheegaya in Madaxweyne Donald Trump uu amar ku bixiyay in si degdeg ah looga guuro dhammaan saldhigyada ciidanka cirka,Mareykanka iyo dowladda Ciraaq waxay ku heshiiyeen in ciidamada Mareykanka ay si buuxda uga baxaan dalka Ciraaq marka la gaaro dhammaadka September 2026. Trump wuxuu xaqiijiyay bixitaankan.
Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine (Drones) ayaa mar kale weerar culus ku qaaday Markab weyn oo Ruushka laga leeyahay, kaas oo hadda ku gubanaya Badda Azov.
Weerarkan ayaa qayb ka ah hawlgalka weyn ee "Operation MoLoChKa" oo ay Ukraine ku beegsanayso maraakiibta shidaalka iyo saadka u qaada Ruushka. Muddo labo toddobaad gudaheed ah, waxay garaaceen in ka badan 116 markab, taas oo gabi ahaanba joojisay isku socodkii badda ee aaggaas.
Gabadh 28-sanno jir ah oo lagu magacaabi jiray Sarah ayaa u dhimatay koronto xooggan oo ku dhegtayaa goob timaha lagu hajiyoo(Salon). Dhacdadan ayaa dhalisay cadho weyn ka dib markii uu ninkii lahaa meesha diiday inuu bixiyo wax khasaare magdhow ah.
Qoyska gabadha dhimatay ayaa bannaanbaxyo ka hordameeyay Salon-ka iyagoo dalbanaya caddaalad. Si kastaba ha ahaatee, mulkiilaha Salon-ka ayaa maxkamad ku dacweeyay qoyska, isagoo ka dalbanaya lacag gaadhaysa $250,000 oo magdhow ah khasaare soo gaadhaya ganacsigiisa iyo sumcad-dileynta lagulaa kacaya.
Mulkiilaha Salon-ka wuxuu dacweeyay qoyskii gabadha ka dhimatay si uu lacag uga helo sumcad-dil. Maxaad u malaysaa falka ninkan?
Maxay kula tahay adigaa?
Shil kasta oo dhaca wuxuu xambaarsan yahay cashar. Qaraxii ka dhacay shirkadda Divine Energy ee wadanka Myanmar oo ay 3 qof ku dhinteen, wuxuu ku bilaamay dhimbiil koronto oo yar xilli shidaalka la shubayay, wuxuuna ku fafay taangi 10,000 oo Littter ah!
Tani waxay ina xasuusinaysaa muhiimadda ay leedahay in goobaha shidaalka iyo kaydadka si weyn looga ilaaliyo wax kasta oo dhalin kara dhimbiil koronto, lana adkeeyo badbaadada shaqada
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the business
Telephone
Website
Address
Hargeisa
HARGEISA
