Asia Yasin
A dedicated lab technician, scientist, and medical researcher from Somalia
Dulhija days.
Maalmaha Dhul-Xijjah waa maalmo barakeysan oo qalbiga Muslimka xusuusinaya u dhowaanshaha Alle, toobadda, iyo camalka wanaagsan. Gaar ahaan maalinta Carafo waa maalin weyn oo naxariis iyo cafis leh. Waa maalin uu ilahy si toos ah adoomadisa u ogaysiyay fadligeda iyo waynantede wa malin ducada la aqbalo, dambigana la dhaafo,ilahyna loo dhawado .
Xitaa qofka aan xajka joogin wuxuu janis u haysta in uu ka faa’iidaysto soonka Carafo, ducada, iyo xuska Alle. Mararka qaar qalbigu wuxuu u baahan yahay hal maalin oo uu si dhab ah ugu noqdo Rabbigiis, Carafo-na waa mid ka mid ah maalmahaas. Waxaa laga yaabaa in ducada aad si dhab aad alle ubarido maanta ay noqoto sababta isbeddelka noloshaada berri.
Ilhay hanaga dhigo kuwa ka faaidaysata malintas way✍️
Hadalku marna waa sun marna waa daawo, Taas ma ognahy?
Waxa laga yaabah hadal yar oo fudud oo aad iska tirahday in uu qof noloshisa oo dhan wax kabadalo u noqdo faraj,rajo iyo hididiilo cusub in uu ku abuuro.markas adigu ajar wad heli wanagna wad ka mutaysatay qofkas kle noloshisa.
Taas cabsigeeda hada hadal xun iska dhahdo waxa laga yabah in uu qof noloshis burburiyo,oo samayn xogan u gaysto.
Inti aad qof noloshiis ka joogi lahyd booska xun ugu yaraan wax samyn ah ha ku yeelan.
Si xoogan oga taxadar hadlkaga in ka badan ficilkaaga.
Wali ma is waydise sababta lugu imtixaanayo?
Si aad uhesho ama aad uhanato nolosha aad u hanqal taagaysa wa in aad wax badan soo martaah.
Tusaalayaal cad-cad waxa inoogu filan in uu ilahy imtixaanayay dadki adunkan ugu sharafta badnaa,nabiyadi,saxabdi iyo dhamaan dadki wanwanaagsanaa.
Wax kaste oo qurxoon inta aadan helin ka hor waa in aad martaa wax yaalo aaadan u qalmin oo naftu diidan tahy wa mesha lugu tijabinayo samirkaga,dulqaadka iyo ahaanshiyahaada ee seeftu yaysan ku qaadin.
Wax micno leh oo fudud majiraaa ✍️📖
see in the top🔝
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Website
Address
Mogadishu
