Ramaas Mudug Puntland
Halkan waxaad ka heli doontaa xogaha & xaaladaha ka jira degaanka Ramaas & Gobalka Mudug
Ramaas Jawigeeda Ciida & Cimilada Kalay So Arag. Waa muuqaalka Hirta waagu Baryey.
Xuquuqda muuqaalka- Ahmed Omar (Gujis).
28/10/2025
Bursalah & Dadkeedaba nabad Allaha ha Yeelo.
Bursaalax: Waxaa la bilaabay dadaallo lagu doonayo in wax looga beddelo xaaladda Degmada
Qaybaha kala duwan ee bulshada sida culimada, dhalinyarada Haweenka iyo waxgaradka ayaa isku soo baxay maanta, iyaga oo muujiyay wada jir.
Gudoomiyaha Gobalka ayaa door muuqda ka qaadanaya abaabulka iyo hagidda dadaalladaan hadda ka bilaamay Degmada Bursaalax
27/10/2025
Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun
Alle ha u naxariisto Macalin Cabdullaahi Maxamed Cabdile (Cid-itus) oo ka mid ahaa tiirarka waxbarashada ee deegaanka Ramaas. Geeridiisu waa mid naxdin leh oo taabatay qalbiyada dadka deeganka & Ehelka oo dhan.
Bulshada deegaanka Ramaas waxay si wadajir ah ugu duceynayaan in Alle qabrigiisa u waasiciyo, u nuuro, una baddalo xanuunkiisii adkaa ee uu maray dambi dhaaf iyo naxariis.
Ehelkii, gacalkii, qaraabadii iyo dhammaan bulshada uu ka baxay Samir iyo Iimaan Allaha ha siiyo. Aamiin.
Dadka degaanka Ramaas oo isku duuban waxay fariin udirayaan Dawlada iyo hay’adaha caalamiga ah si’at wax uga qabtaan baahiyaha ka jira deegaanka
21/10/2025
Hello, Reer Ramaas
Dadkaan & Goobta hala soo sheego? Mention
Ramaas Mudug Puntland waa deegaan isku tashi ku meelmarey. Bilicda dhirka, hormarka arimaha waxbarasho & Biyaha iyo wax-soosaarka Beeraha Ayaa ah wax aad kuusoo jiidanaya.
Nala daawo booqashii agaasime Khalid Mohamed Jamac.
17/10/2025
Ramaas – Deegaan dhirtu hodan tahay, biyuhuna bilaash yihiin, Dadkuna ku balameen Dadaal
Ramaas waa deegaan si dabiici ah u diyaarsan, bulshada deegaanka ayaa laga dareemayaa faham qoto dheer oo ku saabsan qiimaha dhirta, ilaalinta dhirta dabiiciga ah iyo beerista kuwa cusub.
Dadweynaha Ramaas waxaa ka muuqata isku-kalsooni iyo dadaal horumarineed, iyagoo si xooggan ugu jeestay dhanka beeraha. Deegaanka waxaa hadda ku yaal beero kooban oo ay ka baxaan khudaarta kala duwan, taasoo muujinaysa horumar iyo wax-soosaar muuqda.
Magaaladan waxaa ku yaal ceel biyo macaan leh oo dadka si weyn uga caawiyay beer-falashada. Biyaha ceelkaas ayaa lagu xariiriyay xaafad kasta iyo goobaha dadweynaha, waxaana lagu isticmaalaa si bilaash ah, waa talaabo ku timid iskaashiga iyo wadajirka bulshada Ramaas.
Ramaas waa magaalo yar oo nadiif ah, dadkeeduna si dhab ah uga shaqeeyaan ilaalinta bilicda deegaanka, Waxaa gabi ahaanba laga mamnuucay isticmaalka bacaha iyo wax kasta oo dhaawici kara deegaanka iyo dhirta.
Nidaamka iyo nolosha Ramaas waxay muujinayaan mustaqbal ifaya, waxaana ay mudan tahay in reer Mudug ay ku faanaan, maadaama ay ka tarjumayso isku-duubni, daryeel iyo horumar dhab ah.
Ramaas Bursaalax Mudug
Caasimada ganacsiga & dhaqaalaha Puntland ee Boosaaso Roudbout-ku aadbu u biley bilcda Boosaso & Garoonkeeda Caalamiga ahba, Somtel & Dahabshil Group wa mahadsanyihiin, Mw Dani & shacabka Boosaso wada jirkoodu waa guul kale.
Waxaase jirta oraah la yiraahdo "kuqabso ku qadimeyside" Hadaba magaca laloo daayo cida leh, wan ogahay oo isagaa uga haboon laakiin se waa Naynaas looga horeyey wana in la ixtirama."
"Magac bixintii miyaa Dhamaatay?"
08/02/2025
-time
(2-0) Hodan
Xaafada aya raacday buskii ay horay uraceen iyo .
Ramaas waxaa u haray kulanka iyadoo ku hogaaminaysa groupkeeda 9 dhibcood.
Koobkas oo si habsami leh uga socda degmada Bursalah waxan rajeynayaa inuu si qurux badan oo caafimaad qabta inoogu soo dhamaado ciyaartoyda dhamaantood.
Waxan kula dar daarmayaa dhammaan ciyaartoyda ciyaaruhu waa hormar is-dhexgal, inta garoonka lagu jiro hala soobandhigo ciyaar wanaag.
Mahadsanidin
01/02/2025
Koobka Degmada Bursalax iyo Degaanada hoosyimaada oo ay ciyaartay Kooxda Ramaas.
31/01/2025
Labada deegaan ee Ramaas iyo ayaa is wajahaya kulanka galabta.
waxay ciyaari doontaa kulankeedii 1-aad Halka ay ciyaari doonto kulankeedii 2-aad iyadoo kulankoodii u horeeyay ay xaafada ay guul darro xun kala kulantay.
Lasocod wanaagsan!
Click here to claim your Sponsored Listing.
Website
Address
Puntland
