Farhan A/Rahman
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Farhan A/Rahman, Addis Ababa.
07/06/2026
dhaqamada nunaca ad ayey inogu baten runtii gabdhaha yaryar ee wadoyinka wada yacaya waxadba moda in la jogo las vegas
Jigjiga Maxaa Ku Cusub?
Xalay waxaan is maqalnay Mulkiile Huteel, Darawal iyo dad goob joog u ahaa dhacdo yaable oo ku qabsatay Jigjiga. Waana markii saddexad ee todobaadkan aan qiso noocasa la kulmo.
Intii Deeganku fur-furmay waxaa batay Soomalida ka imanaya dalalka deriska ah oo ilaa 3 jiho ka soo gala. Kooridherka markii la hirgaliyay dadka Jigjiga soo booqnaya ayaa kordhay.
Dhibku wuxu ka jiraa Dumar da'yar ah oo aan waalid iyo oday qaba midna wehelin ayaa Huteelo kireysta. Berigii h**e Huteeladu gabadh da'yar oo aan cidi la socon ma aqbali jirin, warqad mehera iyadoo lagu xidhaan xasuustaa. Hada se todobaado ayay iska deganaan karaa. Dadkoodii laftooda waxay u badan tahay in aysan ka warhayn. Waxaa arrintas ka dhasha in dhalinyaro kala duwan isutagaan, in xashiishado iyo balwado badan shaarica la keenno.
Gabadh ayaa Taksiile qabsan, lacag iga sii dir qofban soo qaadayna ayaa la dhihi. Hadhaw waa la dhuuman, ama waxaa lagu dooddi in aan is arragno- ayuu lacagta u bixiyay. Saq-dhexe dhalinyaro soo dibad-baxda.
Waxaa jira dhacdoyin aan halkan lagaga hadli karin oo ceeb ah. Hadii ay sii socdaana dadku wuu fasahaadi.
Waxaan soo jeedin lahaa:
- In dadka Caafimadka iyo booqashoyinka ehelada u yimaad mooye, in si gaar ah loolla socdo Duamrka aan waalidkood ama Saygooda la socon.
- In dhalinyaradu arrimahan ka taxadarto oo ay ka fogaadan meelaha ficilada noocasa lagu fuliyana laga fogaado, dadkana looga digo.
- in Golaha arrimaha Islaamka, Masjid Aclaha iyo Culimadu ay arrimahan ka hadlaan. Huteelada iyo goobaha arrimahan ku caanka ahna loo digo.
- In Huteelada laftoodu ay joojiyan Dumarka da'yarta ah ee kaligood qolalka degaya.
06/06/2026
Madaxweynaha Slovenia ayaa qasriga Madaxtooyada ka taagtay calanka F-lastiin, waxay sheegtay in halkaa uu hal todobaad ka taagnaan doono kadibna gudaha qasriga laga taagi doono.
Madaxweynaha Slovenia ayaa tidhi "Xasuuqa ka dhanka ah F-lastiiniyiinta weli ma uusan joogsan, dadka ku sugan marinka Q/--sa iyo daanta galbeed kuma noola nabad iyo sharaf."
Dowlada Slovenia ayaa 4-ta bishii June, 2024 aqoonsatey dowlada F-lastiin, iyadoo kamid noqotey dalalka reer Yurub ee xiligaas qaaday talaabada ay ku aqoonsanayaan dowlada F-lastiin.
06/06/2026
Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland oo la hadlay Majalada The Reporter ayaa sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay iney walaalahood Itoobiya ay ka caawiso sidii ay heli lahaayeen badd.
Wariyaha ayaa waydiiyay wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland. "Waa sidee hada xidhiidhka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland.?"
Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland ayaa ku jawaabay.
"Itoobiya waa mid kamid ah saaxiibada noogu dhow ee aan gobolka ku leenahay, Itoobiya marwalba waxay noo ahayd Dal aad muhiim noogu ah, waligeedna way ahaan doontaa, xidhiidhkeenu marnaba isma bedelin, marwalba waa fiicnaa, waxaana u aragnaa xidhiidhka aan Itoobiya la leenahay mid aad muhiim noogu ah, wax dhibaato ahna gebi ahaanba ma jirto."
Wariyaha ayaa hadana waydiiyay. "heshiiskii isfahanka ahaa (MOU-ga) waxaa la sexeexay xiligii Madaxweynihii h**e ee Somaliland, Muuse bixi, hada Madaxweyne Ciro ayaa Xafiiska la wareegay sanadkii h**e, marka ma waxbaa iska bedelay siyaasadii h**e ee (Somaliland.)
Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland ayaa markale ku jawaabay.
"Maya wax isbedel ah ma dhicin, annagu marwalba waxaan diyaar u nahay inaan Itoobiya kala xaajoono wax kasta oo dani ugu jirto labada Dal, waxaan fahansanahay muhiimada ay Itoobiya u leedahay iney hesho marin baddeed, waan fahansanahay, Itoobiya waa walaalaheen hadii ay jirto si aan u caawin karno marwalba diyaar baan u nahay."
06/06/2026
Xildhibaan Faarax Macallin oo katirsan Baarlamaanka Kenya ayaa sidaan yiri.
" Qab-qable nimo meelna k**a soo gasho Dowladnimada casriga ah, hubka iyo Awooddu waa in ay gacanta Dowladda kujiraan, Mucaaradku qori ay qaataan kuma kori karaan kursiga, Madaxweyne Xasan Sheekhow Awooddaada dalka ku midey"..
06/06/2026
Liibiya waxaa kasocda Xarig iyo Musaafirin xooggan, dadka waxaa laga qabanayaa jidadka, meelaha ay deganyihiin iyo meel kasta oo lagu arko.
Dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay Dadkii ugu badnaaa yaa laga qaqabtay magaalooyinka dalka Liibiya sida Tripoli, Benghazi, Khoms, Tobruk, Zawiya iyo Zabratha.
Inkasta oo Labo Maamul oo iska soo horjeeda ay kala xukumaan dalka oo midna Dowladda la aqoonsanyahay tahay midna Khaliifa Xaftar tahay haddana waa ka simanyihiin Mashruucan beegsiga muhaajiriinta ah.
Soomaali badan ayaa la qabtay maalmihii lasoo dhaafay kuwaas oo qeybna Xabsi lagu guray, qeybna lasoo tarxiilay, inta badan Dadka la qabtay waa Dad kuwajahnaa qaaradda Yurub.
06/06/2026
next five yrs
02/06/2026
DEG DEG: 🚨🚨🚨kadib hadalkii Iran kasoo yeeray ee ahaa in ay weerari doonaan waqooyiga IsraIl, waxaa telefanka kuwada hadlay Trump iyo Xisbullah sidoo kale Trump iyo Netanyahu. Trump ayaa ku dhawaaqay in IsraiL aysan gali doonin Beyruut. Xisbullah na rasaasta ay kuwado Israail way joojin doontaa sida uu soo qoray President Donald J. Trump.
02/06/2026
XOGTA DHISMAHA.
Waxaa qorshaysan in mudo bil gudaheed ah lagu soo dhamaystiro dhismaha qaab-dhismeedka Dowladda ee heer Federal iyo heer Deegan. Madaxwaynaha Itoobiya ayaa soo jeedisa in Dowladda uu soo dhiso xisbiga guulaysta. Waxaa kulmi doona golaha sare ee Xisbiga Barwaaqo. Waxaa halkas ka bilaaban doona in la dhiso golaha wasiiradda heer dal.
Deegannada kulamada Federalka ayaa laga soo jihayn doona. Maadama xisbigii hada mid noqday, hadii Deegan la rabo in wax laga badalo xarrunta dhexee Pp-da ayaa jiheysa. Inta badan se Deeganadu iyagaa soo dhisaya Dowladda cusub.
Deeganka waxaa kulan yeellan doona golaha shanta qof ee ugu sarreeya. Halkaas ayay Madaxwayne iyo kuxigenka kusoo jeedin doonan in shaqada sii wataan. Waxaa keddib la horgayn doona Barlamanka oo isagu yeellan doona hoggaamin cusub. Barlamanku markuu ansixiyo, wuxuu madaxwaynuhu horgayn doona Dowladda cusub.
Xogga kala duwan oo aan helayno ayaa tibaaxaya in qorshaha maamulka Deeganka qayb ka tahay isbadal lagu sameeyo Golaha Kaabinega ee h**e. Waxaana dhici karta in kuraasta qaar banneeyan oo wajiyo horleh la arko. Waana sababta Ragga qaarkod wadnaha farta ugu hayaan.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Contact the business
Telephone
Website
Address
Addis Ababa
5
