Axmed cali guulled
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Axmed cali guulled, Manchester.
25/12/2024
Ciidamada Miltariga Ethiopia Aad bay u Caawiyeen Ciidanka Deegaanka Soomaalida Maanta.
25/12/2024
War Deg Deg ah Dadka shacabka ee ku dhaqan deegaanka Dacawalay ayaa xoog ku caabiyay ciidamado Liyuu Booliiska ka tirsan oo saaka soo weerareen dadka xoolo dhaqatada ah ee deegaanka Dacawalay iyo agagaarka ku dhaqan .
Dagaal socodkay saacado badan ayaana halkaas ku dhex maray shacabkii deegaanka iyo ciidamadii soo weeraray.
25/12/2024
Markii maan-siyaasadeed oo cadiifadda ka sarreeya lagu eego sida uu Madaxweyne Xasan Sheekh qoorta uga bireeyay Wasiirkii Batroolka, Agaasimihii NISA, Agaasimihii madaxtooyada iyo qaar lamid ah oo xisbigiisa ka tirsanaa, natiijo ahaam waxaa soo baxeeysa inuu duqu si buuxda u garwaaqsaday in siduu kuraaska cul-culus ugu aaminay aanay danta dalka, dadka, dowladda iyo tiisa gaarka ahba aanay uga shaqeeyn, sidaas daraadeedna uu goostay inuu tixgeliyo talo-soojeedintii Indheergaradka soomaaliyeed ee aheeyd inuu talada soo dhexdhigo bulshada.
Qaar kamid ah kuwii fashiliyay kamid ah ayaaba laga soo sheegayaa in ay u xanaaqsanyihiin "muxuu noogu fahmay inaan khayaameeyno
25/12/2024
Baanka Aduunku,waxa uu joojinayaa taageeradii Maaliyadeed ee uu siin jiray DFS iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.
Go'aanka Baanka Aduunka,ayaa hirgalaya Bisha Janaayo ee 2025.
Go'aanka Baanka Aduunka,ayaa ku qotoma kala qaybsanaanta Siyaasadeed ee Wadanka iyo Deeqihii oo ay Villa Somaliya Siyaasadaysay.
Baanka Aduunku,waxa uu aad dhibsaday kana bixiyay digniin Lacagihii laga hakiyay PL kal hore,waxaase xaalku Cirka isku sii shareeray markii JL laga reebay Lacagtii Kabida ahayd ee ugu danbaysay.
"Hadii DG walba oo aad isku qabataan Siyaasad,aad Lacagta Baanka Aduunka ka xanibaysaan masii wadi karno taageerada"Ayaa kagu yiri qoraal loo diray Xamar.
Taageerada Baanka Aduunka,ayaa iskugu jirtay Kabid Miisaaniyadeed iyo maalgelin Mashaariiceed.
Somaliya 80%, Mashaariicda laga fuliyo,waxay ubateen kuwa ka yimaada Baanka Aduunka.
Maamulka Xamar,ayaa isku dayaya in uu ka daba tago,balse shuruuda ku xiran,waa Somali Siyaasad ku midaysan.
Warkan,sababta uu uyahay Wanaaga,ayaa ah in waxa kaliya ee Maamulka Xamar saamayn ku leeyahay ay tahay Mashaariicda Caalamka Somaliya siiyo,waxaana imaan doonta in si gaar gaar ah Maamulada Caalamku ula dhaqmo.
24/12/2024
Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa waraysi uu bixiyay ku sheegay in dowladdoodu Itoobiya la saxeexan doonto bad ay ka siinayaan badda cas.
Waxa kale oo uu sheegay in uu dowladda Masar la wadaagay wixii ay ku heshiiyeen madaxda waddamada Soomaaliya iyo Itoobiya oo dhawaan ku kulmay magaalada Ankara ee Turkiga.
24/12/2024
24/12/2024
Guulayso Masaray wadanka somalia waxa uu mantay ubahan yahay gurmad walalnimo waana Mida Ay inomuujisay dowladda aanu walaalaha nahay ee Masar Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr. Badr Abdel Caati oo ka hadlay shirkii dhigiisa Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in Masar ay ka go'aansatay inay ka qayb-gasho howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya "AUSSOM".
“Waxaan xaqiijineynaa mabda'a adag ee Masar ee ah in ay ixtiraamaan madax-banaanida Soomaaliya iyo midnimada iyo wadajirka dhulkeeda” ayuu cadeeyay.
Xiriirka Masar iyo Soomaaliya ayaa sare loo qaadi doonaa ilaa heerka iskaashiga istiraatijiyadeed ee dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga, siyaasadda, ciidamada, amniga, dhaqanka iyo iskaashiga waxbarashada.
Labada dal ayaa ku heshiiyey in la siiyo qalabka lagama maarmaanka u ah ciidamada milatariga iyo booliiska Soomaaliya si ay awood ugu yeeshaan la dagaallanka argagixisada iyo in la dhiso tayada agabka iyo hababka ay Masar ku xoojin karto ciidanka Soomaaliya.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Culinary Team
Attire
Contact the business
Website
Address
Manchester
8001
