AbdulaHi AbduLe
Indeed feeling
Noloshaan adigaa qurxin jiraye ha iga fogaan
10/05/2026
10/05/2026
Maalin wanagsan
09/03/2026
Waa part-4 iyo sheekadii sida yurub ay u curyamisay africa lasocd wacan
2. Addoonsiga iyo Gurashada Muruqa
Aadanaha
Ganacsigii addoonsiga ee Badweynta Atlaantigu waxa uu ka mid ahaa hadimooyinkii ugu ba'naa ee
dibudhaca dhalay. Qarniyo badan gudahood, malaayiin Afrikaan ah ayaa laga raafay
degaankoodii, loona daabulay qaaradaha Ameerika si loogu shaqaysto. Tani keliya ma ahayn musiibo bani aadamnimo, se waxa ay ahayd isbeddel dhaqaale oo baaxad leh kaas oo qaabeeyay doorkii ay Afriki ku lahayd dhaqaalaha adduunka.
Muruqa aadamuhu waa seeska horumarka.
Maadaama la qafaalanayay xilligii ay ugu
waxsoosaarka badnaayeen, Afrika waxa la mooraduugay cududdii abuuri lahayd dheefta, xirfadaha isu gudbin lahayd, sidoo kalena sii joogtayn lahayd dhismaha bulsheed. Bulshooyinku waxa ay lumiyeen beeralaydii, xirfadlayaashi iyo madaxdiiba. Gobollo dhan ayay wiiqantay xasilloonidoodii, oo ay rabshad, amni-darro, iyo isu-dheelli-tirnaan la'aanta qaybaha dadweynuhu noqdeen xaalado joogto ah.
Saamaynta ka dhalatay may ahayn keliya hoosudhac bulsheed, balse qaabdhismeedka siyaasadeed ayaa dibuhabayn lagu sameeyay, si ay ula jaanqaadaan dalabyada ganacsigu hoggaanka u hayo. Dagaalladu waxa ay u sii xoogaysteen si ka baxsan dabeecad-dhaqameedkii dadkan, una danaynaysay baahida debadeed ee maxaabiis doonka ahaya. Madaxdu waxa ay si isa soo taraysa ugu tiirsanayeen xidhiidhkii ganacsatada reer Yurub iyo hubkooda, taas oo hannaankii maamul tubta ka leexisay, dhiirrigalisayna xasiloonidarradii. Khayraadkii horumarka gudaha lagu taageeri lahaana, waxa loo leexiyay dhinaca isfurdaaminta iyo hurinta colaadaha.
Isla markaasba, addoomihii Afrikaanka ahaa waxa ay u soo saareen Yurub hanti farabadan.
Cududdoodii waxa ay kor u qaadday dhaqaalihil
beeraha sonkorta, cudbiga, iyo badeecadihii kale ee
lafdhabarta u ahaa dhaqaalaha iyo warshadihii
Yurub.
Raasamaalkiina waxa uu isugu biyo shubtay
dekedaha, bangiyada iyo warshadaha Yurub, halka ay Afrika dhabarka u ridatay riiqda khasaaraha dhaqaale iyo ka bulsheed ba. Ganacsigii addoontu
Afrika waxa uu dhex dhigay nidaam dhaqaale oo caalami ah oo aan loo sinnayn, kaas oo dhalay dhiigmiirasho socotay xataa iyadoo addoonsigii la
joojiyay.
08/03/2026
Part-2 lasoco sida ay yurub u curyaamisay afrika
“‘’
Horumarka Yurub, iyo dibudhaca Afrika si k**a' ah isaga ma ay hareer dhicin. Si iskudhoon ah bay u hanaqaadeen labaduba, waxaa na isku ladhay; ganacsi, cudud, iyo gaab samaysanka hay'adeed.
Korriinka Yurub k**a madax bannaanaan karo
fadhiidnimada Afrika. Markii Reer Yurub waxsoosaarkooda ballaadhinayeen, raasamaalka-Afrika-urursanayeen, cududdooda qarameedna xoojinayeen; bulshooyinka Afrika waxa lagu sandulleeyay heshiisyo weecsaday muruqoodii, dhulkoodii, iyo khayraadkoodiiba. Hantidu hal dhinac bay u qulqulaysay—waa Yurub e, halka culayskuna ku dhacayay dhinaca kale.
Dibudhacu markaa ma aha horumar la'aanta e waa hal dhaqan oo la joogteeyay. Tan oo dhacda marka si ulakac ah loo wiiqo awoodda ay bulsho u leedahay agaasinka waxsoosaarkeeda, dheeftii ay ahayd in gudaha lagu celiyo debbadda loo dhaco, xirfadihii u adeegi lahaa si ay u yareeyaan kalatagsanaanta dhaqaalena loo gaar yeelo suuqyo debadeed. Dhaqdhaqaaqa dhaqaale waa uu sii jiraa, balse cid gaar ah ayuu u adeegaa.
Dibu-eegistani waxa ay beddelaysaa cidda
masuuliyadda gaadanaysa, sababtana lahayd.
Keliya Afriki iska ma "guuldarraysan," halka Yurubna
horumartay. Guusha Yurub waxa tiir u ahaa nidaamyo taariikheed oo xaddiday fursadihii Afrika ay ku horumari lahayd. Sidaas darteed horumarka iyo dibudhacu waa laba weji oo ay leedahay hal taariikh, kuwaas oo si wadajir ah uga dhashay nidaam caalami ah oo aan loo sinnayn.
07/03/2026
Part-1
Isku Ladhnaanta Horumarka iyo
Dibudhaca.
Badanaa, horumarka waxa loo dhigaa inuu yahay guul ka dhalata gudaha, dawiad wanaagga, qaayosoorada dhaqan, iyo banka-abuuridda tignoolajiyadeed. Halka dibudhaca loo tiiriyo guuldarro ka dhalata marka bulshooyinku ku suntanaadaan; anshaxdarro, aqoon la'aan, iyo kartidarro. Habfekerkani waxa uu qaatay in waddamadu si kala madax bannaan u kala koraan, mid walbana masuuliyada midhaha uu soo saaro qaadanayo. Doodda udubdhexaadka u ah buuggan ayaa waxba k**a jiraan ka soo qaadaysa taas h**e.
Horumarka iyo dibudhacu ma aha laba kala tagsan e, waa natiljoyin xidhiidh taariikheed wadaaga, kana dhashay hal geeddisocod oo caalami ah. AbdulaHi AbduLe lasoco qaybta 2aad
07/03/2026
Qisooyin Diini ah | Culimada Oo Dhan | 6 Saac Oo Qisooyin Cajiib ah 25 Qiso Oo Cajiib Ah | Culimada Oo Dhan | 6 Saac Oo Qisooyin Diini ah 25 Qiso Oo Cajiib Ah | Culimada Oo Dhan | 6 Saac Oo Qisooyin Diini ah 25 Qiso Oo Cajiib Ah | Culimada Oo Dhan | 6 Saac Oo Qisooyin Diini ah 25 Qiso Oo Cajiib Ah | Culimada Oo Dhan | 6 Saac Oo Qisooyin Diini ah 6 Saac Oo Qisooyin A...
04/03/2026
*XIISADA BARIGA DHEXE OO SII KACSAN
• Ciidamada Mareykanka ayaa submarine ku burburiyay markab dagaal oo Iranian ah xeebta Sri Lanka, dhaawac culusna waxaa ka dhashay — tani waa weerarkii ugu horreeyay ee ka baxsan Bariga Dhexe oo Mareykanku ku qaaday xoog Iran. 
• Magaalada Tehran, Iran waxaa la hakiyay xuskii Khamenei, iyadoo Wasiirka Gaashaandhigga Israa’iil ku hanjabay inuu beegsado beddelkiisa, taasoo muujinaysa in xiisadda siyaasadeed ay sii adkaanayso. 
• Dowladda Maraykanka ayaa shacabka u taakulaynaysa bixitaanka dhowr waddan oo Bariga Dhexe si ay uga fogaadaan khataraha amniga ee colaadda taagan. 
• Saameynta dagaalka Iran ayaa ka baxday bartilmaameedyada militari — heshiisyo ganacsi iyo silsiladaha sahayda adduunka ayaa istaagay taasoo saameyn ku yeelan karta sahayda dawooyinka, semiconductors-ka iyo tuubooyinka shidaalka. 
Klicka här för att få din sponsrade notering.
Typ
Kontakta affären
Telefon
Webbplats
Adress
Stockholm
ITMYSELF?
