Cusbitaalka degmada arabsiyo

Cusbitaalka degmada arabsiyo

Share

Arabsio District Hospital 🏨

22/06/2026

📢 ADEEG CUSUB OO BILAABMAY!

Cusbitaalka Degmada Arabsiyo waxa uu ugu bishaaraynayaa dhammaan bulshada ku dhaqan degmada iyo nawaaxigeeda in la idiin soo kordhiyey adeegga:

Xalaalaynta Wiilasha (Surgical Circumcision)

Adeeg casri ah oo lagu fulinayo:
✅ Hab caafimaad oo ammaan ah
✅ Qalab caafimaad oo casri ah
✅ Daryeel caafimaad oo tayo leh
✅ Shaqaale caafimaad oo khibrad leh

Waxaan waalidiinta ku dhiirigelinaynaa inay ka faa’iidaystaan adeeggan cusub si carruurtoodu u helaan daryeel caafimaad oo sugan.

📍 Arabsiyo District Hospital

02/06/2026

kalmadii uu madasha ka yidhi Agaasimaha Cusub Ee Cusbitalka degmada Arabsiyo
Mahomed Abdirahman Mohamoud.

02/06/2026
Photos from Cusbitaalka degmada arabsiyo's post 02/06/2026

:- Xaflada Xilwareejinta Agaasimaha Cusub iyo Agaasimihii H**e Ee Dhakhtarka Degmada Arabsiyo.

02/06/2026

Iskuduwaha Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Gobolka Gabiley oo uu Weheliyo Agaasimaha Cududa Shaqaalaha ee Wasaarada horumarinta Caafimaadka ayaa Xilkii u kala wareejiyay Agaasimaha Cusub iyo Agaasimihii H**e ee Cisbitaalka Guud ee Degmada Arabsiyo....!

Photos from Cusbitaalka degmada arabsiyo's post 25/05/2026

Mustafe Mohamed Omer ayaa Loo magacaabay Madaxa Zaadka (Logistics ) Dhakhtarka Wayn ee Degmada Arabsiyo.

Photos from Cusbitaalka degmada arabsiyo's post 25/05/2026

Hambalyo Hambalyo Hambalyo Agaasimaha cusub ee lasoo magacaabay ee Hospitalka Guud ee Dagmada Arabsio,Mohamed Abdirahman iyo masuuliyiinta kale ee loosoo Magacaabayba
Alle xilka ha idiin fudaydiyo

01/04/2026

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, Dr.Xuseen Bashiir Xirsi ayaa soo gabogabeeyey, tabobar lagu xoojinayo awoodda ka jawaabidda xaaladaha degdegga ah ee Caafimaadka oo muddo laba maalmood ah ka socday Magaalada Hargeysa.

Photos from Cusbitaalka degmada arabsiyo's post 26/03/2026

Caruurtu waa musaqbalka barito, waa ubixii dalkeena, waana masuuliyad ina wada saaran in si joogta ah loo ilaaliyo loona daryeelo caafimaad kooda.

Sidaa daraadeed cusbitalka guud ee arabsiyo wuxuu kuu diyaariyay adeegyo talaal oo heer sare ah isla markaana bilaasha, hadaba si ubadkaagu u helo talaal caafimaad oo dhamaysiran fadlan nagu soo booqo cusbitalka guud ee Arabsiyo.

Noocyada talaalka ee kuugu diyaarsan cusbitalka waxa ka mida..

1. Talaalka Dabaysha
2. Talaalka Qaaxada
3. Talaalka Qoracatada
4. Talaalka kixda
5. Talaalka Taytanada
6. Talaalka Jadeecada
7. Talaalka Oof wareenka
8. Talaalka Joonis cadka
9. Talaalka Shubanka

Want your business to be the top-listed Beauty Salon in Arabsiyo?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Website

Address


Arabsiyo Main Road, Germany Colony
Arabsiyo
002522