Mohamed ibnu Gadhcade

Mohamed ibnu Gadhcade

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Mohamed ibnu Gadhcade, Health/Beauty, Buramo Boorama.

19/03/2024

"Hadba duul wahsanayoo
Inta waayir lagu xidhay
Wadhaf lala hor joogoo
Wanshax meel la jiifaa
Wacdigaygu sooraa.

Hadba wadar la dhacayoo
Inta ay wisiisiday
Warmaheeda gurataan
Ina wadiya leeyahay.

Hadba waaq la riday baan
Weylaalistiisii
Wilgaduu fadhiyi jiray
Wasakhdii ka dhaqayaa.

Hadba damal wacnaayoo
Webigii Ganaaniyo
Salka gacanka Waaheen
Waraqyada ku fidiyoo,
Inta wahan ka daba yimid
Wiriqyada u bixiyoo,
Wakhti soo qandoodshoo
Walcan go’a lalmanayoo
Wegdihiisa laabtaan
Ubaxii ku waabnaa
Maqal weyd la togantiyo
Waxaraha u tumayaa.

Hadba Shaah la waayiyo
Boqor weer cad goostoo
Inta wiish la sara tegay
Waaqwaaq ka riday baan
Taajkiisa warasiyo
Hanti shacab wadaagiyo
Waqaf guud ka dhigayaa.

Hadba Janan wanjalanoo
Dhulka laga wandaafshoo
Cirka looga webiyoo
Cidla dhex walhanayoo
Wedku deydeyaayaan
Waa kan waa kan leeyahay.

Onkodkiyo wannaaniga
Iyo dhibicda weedhka leh,
Walanwalinta maansada,
Walwallaynta geenyada,
Wanqaraarka jiiftada,
Waxa looga jeedaa,
Ama loo wacwacayaa
Wacdaruhu u dhacayaan;
Lugta waarrinaysiyo
Isha waabanaysaa
Ha ku waano qaateen
Wegenkiyo colaadaha
Nin dulmani ha weheshado.

Waddammada adduunyada
Afarteeda waaxood
Dhibta iyo waxyeellada
Inta ila wadaagtaay,
Aan heeso weriyee
Kici weerarkaagii,
I waraabsha geedkii
Waxyigaygu saarraa."

— Hadraawi (AHN) | Tixda 'Weriyaha' | 1983.

Photos from Mohamed ibnu Gadhcade's post 15/03/2024

Masaajidka Cali Mataan ayaa si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay tartanka Quraanka Kariimka ah ee ay maalgaliso shirkadda Dahabshiil Group.

Tartankan oo ah ka ugu taariikhda dheer tartannada Quraanka Kariimka ah ee soomaalidda. waxa ka qayb galay ardayda ku tartamaysay 30 ka juz oo ka kala socda gobollada.

Waxaana munaasibadda xidhitaanka ka soo qaybgalay guddida wasiirka Diinta iyo Awqaafta, wasiirka waxbarashadda, culimaa udiinka dalka iyo masuuliyiin shirkadda Dahabshiil iyo bulshada guud ahaan.
Waxa sanadkan 2024 tartanka quraanka ah ku guuleystay:-

1- Kaalinta Koobaad - Gobolka Togdheer – 𝐀𝐛𝐝𝐢𝐬𝐡𝐚𝐤𝐮𝐮𝐫 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐁𝐢𝐥𝐥𝐞 - $𝟔,𝟎𝟎𝟎 𝐢𝐲𝐨 𝐚𝐛𝐚𝐚𝐥𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐞.
2- Kaalinta Labaad - Gobolka Awdal – 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐦𝐚𝐚𝐫𝐤𝐞 𝐀𝐝𝐢𝐫𝐚𝐡𝐦𝐚𝐧 𝐀𝐡𝐦𝐞𝐝 - $𝟒,𝟎𝟎𝟎 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐥𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐞.
3- Kaalinta Sadexaad - Gobolka Awdal - 𝐌𝐮𝐬𝐜𝐚𝐛 𝐀𝐡𝐦𝐞𝐝 𝐈𝐛𝐫𝐚𝐚𝐡𝐢𝐦 - $𝟐,𝟎𝟎𝟎 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐥𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐞.

15/03/2024

Waxaan idiin haynaa hab cusub oo xisaabta isku dhufshada aad kaga mar maysaan calculator waana habkan ila daawo

15/08/2023

𝒎𝒂𝒅𝒂𝒅 𝒙𝒊𝒔𝒂𝒂𝒃𝒕𝒂 𝒎𝒂𝒓𝒌𝒂 𝒍𝒐𝒐 𝒆𝒈𝒐 𝒈𝒐𝒃𝒐𝒍𝒂𝒅𝒂 𝒘𝒂𝒙𝒂 𝒎𝒂𝒓𝒌𝒂𝒔𝒕𝒂 𝒖𝒈𝒖 𝒉𝒐𝒓𝒆𝒆𝒚𝒂
𝒈𝒐𝒃𝒐𝒍𝒌𝒂 (𝒕𝒐𝒈𝒅𝒉𝒆𝒆𝒓 ) 𝒂𝒉𝒏𝒂 𝒈𝒐𝒃𝒐𝒍𝒌𝒂 𝒓𝒂𝒈𝒈𝒂
𝒘𝒂𝒙𝒂 𝒌𝒖 𝒙𝒊𝒈𝒂 (𝒂𝒘𝒂𝒅𝒂𝒍) 𝒈𝒐𝒃𝒐𝒍𝒌𝒂 𝒅𝒖𝒎𝒂𝒓𝒌𝒂 𝒋𝒊𝒍𝒄𝒊𝒔𝒂𝒏

3 𝒘𝒂𝒙𝒂𝒂 𝒌𝒖𝒔𝒊𝒊 𝒙𝒊𝒈𝒂 (𝒔𝒂𝒂𝒙𝒊𝒍) 𝒂𝒉𝒏𝒂𝒂 𝒈𝒐𝒃𝒐𝒍𝒌𝒂 𝒌𝒂𝒍𝒖𝒏𝒌𝒂
4 𝒉𝒂𝒓𝒈𝒂𝒚𝒔𝒂𝒂 𝒘𝒂𝒚 𝒅𝒉𝒂𝒄𝒂𝒅𝒂𝒂 𝒔𝒂𝒏𝒂𝒅 𝒘𝒂𝒍𝒃𝒂𝒂
𝒎𝒂 𝒔𝒂𝒙𝒃𝒂𝒂 𝒎𝒊𝒔𝒆 𝒃𝒆𝒆𝒏?
𝒂𝒏𝒊𝒈𝒂 𝒘𝒂𝒂 𝒓𝒖𝒏𝒕𝒂𝒚

04/06/2022

Ninkaa kuriyooday kurisiiga
Miyaynuu udhiibnaa kurisiiga

17/05/2022

Waxan bulshada somaliland ugu hanbalyaa mallinta 18 may ee qaran nimada somalilaan ee 1991kii

Want your business to be the top-listed Beauty Salon in Buramo Boorama?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Website

Address


Buramo Boorama