Waxa ka badal naftaad

Waxa ka badal naftaad

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Waxa ka badal naftaad, Health/Beauty, Burco.

Photos from Waxa ka badal naftaad's post 20/04/2022
20/04/2022

Inaad sokorta la warshadeeyay ku beddelatid khudradda ayaad ku xakameyn kartaa heerka sokorta jirkaaga

Inaad ka fogaato cunnada sokorta leh ama cabitaannada, rootiga cad iyo baastadana aad ku beddelato kuwa madowga ah waa tallaabada koowaad.

Sokorta iyo badarka la warshadeeyay nafaqo badan ma laha waxaana laga bixiyay fitimiinnada ku jira. Waxaa tusaale loo soo qaadan karaa burka cad, rootiga cad, bariiska cad, baastada cad, cabitaannada sokorta leh iyo waxyaabaha macmacaan.

Cuntooyinka caafimaadka leh waxaa ka mid ah khudradda, furutada, digirta iyo badarka aan la warshadeyn. Waxaa sidoo kale ka mid ah saliidaha caafimaadka leh, looska iyo saliidaha ay ku badan yihiin maaddada omega-3, sida saliidda kalluunka.

Waa muhiim in wax la cuno xilliyo kala duwan lana joojiyo wax cunitaanka markaad dheregsan tahay.

Jimicsiga jirka wuxuu hoos u dhigaa heerka sokorta jirka. Waaxda caafimaadka UK ee NHS ayaa ku talineysa 2.5 saacadood oo jimicsi ah toddobaadkii, sida socodka boobsiiska ah.

20/04/2022

Maka hortagi karaa xanuunka macaanka?

Xanuunka macaanka waxaa sababi kara xaalado hiddaha qofka la xiriira amaba deegaanka balse xaalkaaga caafimaad waad ka warqabi kartaa adiga oo la soconaya cuntadaada iyo hab-nololeedkaaga

20/04/2022

Waa maxay calaamadaha xanuunka macaanka

Calaamadaha ugu badan waxaa ka mid ah:

oon saa'id ah

kaadi badan, gaar ahaan habeenkii

daal saa'id ah

in miisaan uu kaa dhaco

caabuq dhanka afka ah

aragga oo daciif noqda

dhaawacyo aan bogsaneyn

Haraad badan

Iyo gaajo badan

20/04/2022

Waa maxay xanuunka macaanka sidee ayaadna uga hortagi kartaa?

Nooca 1 ee xanuunka sokorta waxaa lagu arkaa carruurta amaba da'da qaangaarka. Waxaa lala xiriirin karaa hiddaha qofka amaba waxaa sababi kara caabuq.

Xanuunka sokorta ama macaanka waa waa xaalad qofka noloshiisa daba socota waxaana sanad walba u dhinta in ka badan hal milyan oo qof - qof walba ayuuna ku dhici karaa.

Waxaa sababa marka jirku uusan burburin karin dhammaanta sokorta (glucose) ee dhiigga raacsan; waxyaabaha ka dhasha waxaa ka mid ah wadno xanuun, wadno istaag, indhi beel, kilyaha oo howlgab noqda iyo qaarka dambe oo qofku howlgab ka noqdo.

Waana dhibaato - Qiyaastoo 422 milyan oo qof oo dunida ku nool ayaa qaba xanuunka macaanka - waana tiro afar jeer ka badan intii ay ahayd 40 sano kahor, sida ay sheegtay Hay'adda Caafimaadka Adduunka (WHO).

Marka laga soo tago khataraha, kala bar dadka qaba xanuunka macaanka ma oga inay qabaan

Balse isbeddel lagu sameeyo hab-nololeedka ayaa ka hortagi karta xaalado badan oo xanuunka ka mid ah. Waana kuwan siyaabaha aad uga hortagi karto:

Maxaa sababa xanuunka macaanka?

Marka aan wax cunno, jirkeennu wuxuu burburiyaa waxyaabaha loo yaqaanno carbohydrates wuxuuna ka dhigaa sokor (glucose). Mid ka mid ah hoormoonnada qofka oo loo yaqaanno insulin, ayuu soo saaraa beer-yaraha, kaddibna wuxuu unugyada jirkeenna ku amraa inay nuugaan sokorta si ay tamar uga helaan.

Xanuunka sokorta ayaa qofka ku dhaca marka insulin uusan jirkeennu soo saarin amaba aysan sidii la rabay u shaqeyneynb, taas oo sababta in sokortu ay jirkeenna fadhiisato.

Sokorta la warshadeeyay ayaa kordhisa heerka glucose ee dhiiggeena gala

Waa maxay noocyada xanuunka macaanka?

Waxaa jira dhowr nooc oo xanuunka macaanka ah.

Nooca 1 ee macaanka, beer-yaraha ayaa joojiya soo saaridda maaddada insulin-ta, marka glucose ayaa raaca dhiiggeenna oo hoy ka dhigta.

Saynisyahannada ma oga waxa gaar ahaan sababay arrintan balse waxay rumeysan yihiin in laga yaabo inay tahay wax hiddaha qofk

Want your business to be the top-listed Beauty Salon in Burco?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Telephone

Website

Address


Burco