Hon maxamed Abdiqani ibnu nadif
Maxamed
22/07/2022
Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cagjar, ayaa gaadhay degmada Hargeelle ee gobolka Afdheer si uu u dhiirigeliyo Ciidamada Deegaanka ee dagaalka kula jira Al-shabaab.
Wararkii ugu dambeeyay waxa ay sheegayaan in Ciidamada Liyuu Boolisku ay gacanta ku dhigeen Gaadiid dagaal oo Al-shabaab wadatay iyo maxaabiis balse weli dagaalka lama soo afjarin.
Kooxda Al-shabaab oo la sheegay in ay wateen markii ay gudaha Deegaanka soo galeen ilaa 16 Gaadhi ayaa Halbeegoodu ahaa in ay galaan kaymo ku yaalla Deegaanka si ay dhufays uga dhigtaan balse Ciidamada Liyuu Booliska ayaa ka leexiyay badh-tilmaameedkooda.
22/07/2022
Wajigii labaad shirkii isimada SSC ayaa kafurmaya malinimada sabtida taariikhduna tahay 23/7/2022 Degmada boocame kaaso lagu dhameeystirayo qodabadii kaso baxaya shirkii Isimada ee widhwidh ka Qabsomay
Waxaa magaalada boocame kusii qulqulaya cuqaal kaso kala safray degaamda s.s.c
kuwaas oo kaqaybgalaya shirweynaha kafurmaya boocame sidoo kale iyana waxaa lafilayaa inay kasoo qayb galaan siyaasiyiinta puntalnd ee kaso jeeda s.s.c
20/07/2022
Cajiib:-Dowlada Kenya ayaa 200 oo neef oo geel ah looguna magac daray (Camel Calvary Team) u tababartay in ay ka hortagaan Miinooyinka iyo waxyaabaha kale ee Qarxa, waxaana Geelan hada loo aqoonsaday inay diyaar u yihiin in ay galaan howlgal rasmi ah oo ka dhan ah Xoogaga Al-shabaab ee ka soo gudba xadka Kenya ay la lawadaagto Soomaaliya.
Geel Qarax maka hortagi karaa? 😆 .
07/07/2022
Halkan waa bogayga rasmigaa kalasoco wixii cusub
Fallowna nasodheh mahadsanid
Hon maxamed Abdiqani ibnu nadif Maxamed
15/04/2022
Yaan rabin in uu Farmaajo soo laabto?
Maamulada Jubbaland, Puntiland iyo Somaliland
ma rabaan in uu soo laabto. Kenya, Imaaraadka iyo Djibouti ma rabaan in uu soo laabto. Bahda Xalane, AMISOM/ATMIS iyo dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya (TCCs) ma rabaan in uu soo laabto.
Kooxda Al-shabaab, TPLF iyo Ahlu-sunnada hubayaani ma rabaan in uu soo laabto. Ganacsatada siyaasadeed (ragga siyaasadda ka ganacsada) iyo tan dhaqaale ee Soomaaliya “gaar ahaan Muqdisho ama koonfurtu ma rabaan in uu soo laabto.Sahan research, Heritage institute iyo kuwa lamidka ahi ma rabaan in uu soo laabto.
15/04/2022
Hon maxamed Abdiqani ibnu nadif Maxamed
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the business
Telephone
Website
Address
Cadduun
Garowe
MOHA
