Isbitaalka Guud Ee Degmada Godinlabe
WELCOME TO GODINLABE HOSPITAL
10/02/2026
Qado sharaf si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa loo sameeyay Mudane Maxamed Aadan Tiicey, Madaxweynihii h**e ee Maamulka Ximin iyo Xeeb, taas oo aysoo qabteen Guddiga Dhismaha Isbitaalka Degmada Godinlabe .
Munaasabaddan qado sharafta ah ayaa ahayd mid lagu muujinayay qadarin iyo soo dhaweyn, isla markaana lagu xoojinayay wadashaqeynta horumarinta adeegyada caafimaad ee degmada. Intii ay socotay kulanka, waxaa Madaxweynaha h**e la siiyay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan halka uu marayo dhismaha Isbitaalka Degmada Godinlabe, heerarka kala duwan ee uu soo maray, iyo dadaallada ay bulshada iyo maamulka isbitaalku ugu jiraan dhameystirka isbitaalka guud ee degmada godinlabe.
Mudane Maxamed Aadan Tiicey ayaa si diirran u bogaadiyay dadaalka muuqda ee ay wadaan Guddiga Dhismaha iyo Maamulka Isbitaalka, isagoo ballan qaaday inuu garab istaag iyo taageero buuxda la garab taagan yahay hirgelinta iyo dhameystirka isbitaalka, si bulshada Godinlabe ay u helaan adeeg caafimaad oo tayo leh.
Ugu dambeyn, kulanka ayaa ku soo dhammaaday jawi farxad iyo is-afgarad, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay mideynta dadaallada bulshada, maamulka iyo masuuliyiinta si loo xaqiijiyo horumar waara oo dhanka caafimaadka ah
10/02/2026
Isbitaalka Guud ee Degmada Godinlabe waxaa booqasho iyo kormeer shaqo ku yimid Madaxweynihii h**e ee Maamulka Ximan iyo Xeeb Mudane Mohamed Adan Tiiceey oo wehliyo xildhibaan Gurey kuwas oo indha-indheyn ku sameeyay guud ahaan howlaha iyo adeegyada uu isbitaalku siiyo bulshada.
Mudane Mohamed aadan tiicey Madaxweynihii h**e ayaa soo maray qeybaha kala duwan ee isbitaalka, isagoo kormeer ku sameeyay qeybaha bukaan jiifka, gargaarka degdegga ah, hooyada iyo dhallaanka, iyo qeybaha kale ee adeegyada caafimaad bixiya. Waxa uu warbixin faahfaahsan ka dhageystay maamulka iyo shaqaalaha isbitaalka, isaga oo ammaanay dadaalka iyo howl-karnimada ay ugu adeegayaan bulshada.
Sidoo kale, booqashada waxaa qeyb ka ahaa indha-indheyn lagu sameeyay dhismaha guud ee isbitaalka, halkaas oo uu Madaxweynihii h**e ku bogaadiyay heerka wanaagsan ee uu marayo dhameystirka dhismaha isbitaalka, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in bulshada degmada Godinlabe ay helaan xarun caafimaad oo dhameystiran, casri ah, isla markaana dabooli karta baahiyaha caafimaadka bulshada ku nool magaalooyinka hoosyimada dagmada Godinlabe
Maamulka Isbitaalka Guud ee Degmada Godinlabe ayaa uga mahadcelinaya Madaxweynihii h**e ee Maamulka Ximan iyo Xeeb booqashada iyo dhiirrigelinta uu siiyay shaqaalaha iyo howlaha horumarinta adeegyada caafimaadka.
Isbitaalka Guud ee Degmada Godinlabe waxa uu mar walba u taagan yahay u adeegidda bulshada iyo horumarinta tayada adeegyada caafimaad ee la siiyo shacabka.
Dhismaha qeybta sheybaar oo heer gabagaba ah maraya sidoo kalana la rajeynayo in la dardar geliyo qeybaha kale ee dhiman dhismahooda.
26/10/2025
Waxaa deegaanka Fadalaweyn safar shaqo ku tegay Team Outreach oo ka tirsan shaqaalaha caafimaadka Isbitaalka Guud Ee Degmada Godinlabe gaar ahaan kooxaha Nutrition iyo EPI. Ujeeddada safarka ayaa ahayd in bulshada deegaanka lagu gaarsiiyo adeegyo caafimaad oo muhiim ah, iyadoo la gaarayo meelaha ay adag tahay in si joogto ah looga helo adeegyadaas.
•Nutrition Team: oo diiradda saartay baaritaanka nafaqo-xumada carruurta ka yar 5 sano iyo haweenka uurka leh iyo kuwa nuujiya.
•EPI Team: oo fulisay tallaalka carruurta da’doodu u dhaxayso 0–23 bilood, iyadoo la bixiyay tallaallo kala duwan sida BCG, Penta, OPV, PCV, iyo Measles. Waxaa sidoo kale la hubiyay diiwaannada tallaalka ee carruurta h**ey loo tallaalay si loo sii hubiyo joogtaynta adeegga.
Ujeeddooyinka Safarka
1.In carruurta iyo haweenka deegaanka laga baaro xaaladaha nafaqo-xumada.
2.In la hubiyo in carruurta da’doodu yar tahay ay helaan dhammaan tallaallada muhiimka ah.
3. In la kordhiyo wacyiga bulshada ku saabsan muhiimadda nafaqada iyo tallaalka joogtada ah.
Natiijooyinka iyo Saameynta
Safarku wuxuu ahaa mid si wanaagsan u guuleystay, iyadoo dad badan ay ka faa’iideen adeegyada la bixiyay. Carruur badan oo la baaray ayaa la siiyay daawooyinka nafaqada lagu xoojiyo halka waalidiin badan la baray muhiimadda tallaalka iyo ilaalinta caafimaadka carruurtooda.
16/10/2025
Arbaco 15/10/2025
Booqasho Sharaf: Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo kormeer ku tegay dhismaha balaarinta Isbitaalka Degmada Godinlabe
Shalay waxaa degmada Godinlabe booqasho shaqo ku tagay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug, isagoo kormeer ku sameeyay dhismaha cusub ee lagu soo kordhinayo Isbitaalka degmada Godinlabe.
Guddoomiyaha waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay xarunta isbitaalka gudoomiyaha gudiga cafimaadka isbitaalka Ahna gudoomiyaha gudiga dhisamaha Xildhibaan Abdi Takiye Farah , Agaasimaha guud ee isbitaalka degmada Godinlabe, Isku duwaha caafimaadka degmada, Gudoomiye ku xigeenka degmada .
Soo dhoweynta waxaa sidoo kale ka qeyb qaatay shaqaalaha caafimaadka ee xarunta, kuwaas oo muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin booqashada mas’uulka sare ee Galmudug.
Intii uu kormeerka socday, Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa warbixin buuxda ka dhageystay maamulka isbitaalka iyo guddiga dhismaha, kuwaas oo faahfaahin ka bixiyay heerka uu marayo dhismaha iyo dadaallada lagu dardar-gelinayo dhammeystirkiisa.
Guddoomiyuhu wuxuu ku ammaanay maamulka iyo bulshada Godinlabe dadaalka ay ku bixiyeen dhismaha isbitaalka, isagoo ballan qaaday in dowladda Galmudug ay kaalin muuqata ka qaadan doonto dhammaystirka iyo qalabaynta xarunta si ay bulshada degmada iyo deegaannada ku xeeran ugu adeegto adeeg caafimaad oo tayo leh.
Ugu dambeyn, masuuliyiinta degmada iyo maamulka isbitaalka ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyaha booqashada qiimaha badan iyo taageerada uu muujiyay, iyagoo xusay in ay sii wadi doonaan shaqada iyo dadaalka ay bulshada ugu adeegayaan.
11/10/2025
Mahad oo dhami waxa ey u sugan tahay allah subxaanahuu watacaalaa oo nasoo gaarsiiyay heerka uu maantay marayo dhismaha isbitaalka.
Sidoo kale waxaan u mahad celineynaa cid kasta oo ku darsatay dhismaha isbitaalka Xoog, Xeel, iyo xoolaba.
Weli waxaa noo sii socda hayaankii aan ugu jirnay dhameystirka dhismaha.
Insha allah waxaan rajeyneynaa inaan aragno Godinlabe oo ka sareysa meesha ey hada joogto gaartayna halka ey higsaneyso.
Fadlan muwaadin waa sadaqo jaariya ah tani ku darso intaad awoodo.
Dhismaha wajiga sedexaad shaqada taal.
1- Gelinta daaqado iyo albaabo aluminum ah.
2- Cagdhiga iyo saarista mutuleelka.
3- Interlock banaanka ah.
Insha allah Guul iyo hormar.
Waxaan u taaganahay daryeel caafimaad oo casri ah, degdeg ah, iyo tayo sare leh.
✅ Adeeg 24/7
✅ Dhakhaatiir iyo kalkaaliyaal khibrad leh
✅ Qalab caafimaad oo casri ah
✅ Daryeel bukaan iyo adeegyo la xiriira
“Caafimaadkaagu waa mudnaantayada ugu weyn!” 🌿
🎥 Mascuud Portrait
28/09/2025
Adeegyada maalinlaha uu u bixiyo isbitaalka waxaa kamida
1. Qeybta Bukaan Socodka (OPD)
•Waxay u adeegtaa bukaanada imanaya xarunta si ay u helaan baaritaan iyo daaweyn degdeg ah.
•Waxaa laga fuliyo: baaritaan guud, daaweyn cudurrada faafa iyo kuwa aan faafa ahayn, tallaal iyo la-talinta caafimaad.
2. Qeybta Bukaan Jiifka
•Lagu daryeelaa bukaannada u baahan kormeer joogto ah iyo daaweyn muddo dheer ah.
•Waxaa lagu bixiyaa daryeel joogto ah, daawo iyo adeeg kalkaalnimo habeen iyo maalin ah.
3. Qeybta Maternity (Hooyada & Dhallaanka)
•ANC (Ante-Natal Care): Baaritaanka iyo la socodka hooyada uurka leh inta lagu jiro uurka, iyadoo la hubinayo caafimaadka hooyada iyo uurjiifka.
•Delivery: Adeegyada dhalmada ammaan ah, kormeerta foosha iyo daryeelka degdegga ah ee dhallaanka cusub.
•PNC (Post-Natal Care): Daryeelka hooyada iyo dhallaanka kadib dhalmada, hubinta caafimaadkooda iyo bixinta wacyigelin ku saabsan quudinta iyo nadaafadda.
4. Qeybta Nafaqo Darada
•Waxay qaabilsan tahay carruurta iyo hooyooyinka la ildaran nafaqo-xumo.
•Waxaa la isticmaalaa barnaamijyada OTP iyo TSFP, iyadoo la bixiyaa cunto nafaqo leh iyo la-talinta nafaqada.
5. Farmashiyaha (Pharmacy)
• Waxaa laga helaa dawooyinka lagama maarmaanka ah ee qaybaha kale u baahan yihiin.
•Waxaa lagu hubiyaa in bukaanku helaan dawo tayo leh iyo tilmaamo isticmaal.
6. IYCF (Infant and Young Child Feeding)
•Diiradda waxaa lagu saaraa naas-nuujinta kaliya 6-da bilood ee ugu horreeya.
•Waxaa lagu taageeraa hooyooyinka hababka quudinta carruurta da’doodu ka yar tahay 2 sano.
••Waxaa la bixiya wacyigelin iyo la-talin bulsho.
7. Qeybta Sheybaarka
•Waxay qabataa baaritaanno dhiig, kaadi iyo shaybaarro kale oo muhiim u ah ogaanshaha cudurrada.
•Waxay taageertaa go’aamada caafimaad ee qaybaha kale.
8. Qeybta Tallaalka (EPI)
• Waxay bixisaa tallaalada caruurta iyo hooyooyinka uurka leh.
• Waxay qayb weyn ka qaadataa yareynta dhimashada caruurta
📸 Mascuud Portrait baa naga caawiyay.
Shaqada dhismaha oo si habsami leh ku socota.
fadlan muwaadin sadaqada jaariyada ah wax ku darso.
Fadlan muwaadin ka qeyb qaado dhismaha ispitaalka degmada.
Dal walbaba dadkiisaa dhisa.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Telephone
Website
Address
Godinlabe
