Somaliland
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Somaliland, Health/Beauty, Hargeisa.
04/11/2024
16/03/2023
Sawir: Hargeisa oo rooban.
URUR SIYAASADEED KA MISAAN WAA DHAQAAQAQAYAA insha Allah:
Prof Abdisalan yasin wuxuu wadankiisa soo galiyay maskax iyo aqoon farabadan,
Waa nin wayn oo waayo araga oo siyaasada ku bisil k**a suurawdo inuu dhalinyaradiisa mu dhaho saw xabada fedhaha udhigan maysaan saw iidagaalami maysaan.
Prof ka maanta waxuu aaman sanyahay in uu ku haboonyahay hogaaminta dalka dadaal dheerna uusoo galay.
Profka wuxuu ugalay khataro badan sidii wadanka looga hirgalin lahaa siyaasad furfuran iyo tartan xor iyo xalaal ah.
29/06/2022

31/05/2022
Sheekh Cali Warsame Xasan (AHUN)
4 DHACDO OO DHUGASHO MUDAN:
Rabbi ha u raxmadee sheekh Cali Warsame waxa uu sheegay in uu dhacdooyin badan Rabbi ka qabtay oo markaa uu u arkaayey fursad dhaaftay balse uu dib ka garaabay in uu boqorka wayni ka badbaadiyey booraan dawaco iyo boholaha xargaga.
DHACDADA 1AAD:
Sheekhu isaga oo yar oo agoon ah ayaa xoolohoodii waxaa dareersaday qolo ka mid ah dadkii ay deegaan ahaan dab-wadaagta ahaayeen ee agagaarka Sool iyo Saraar sal-dhiggoodu ahaa, waxa ay ahaayeen dad hodan ah oo gurigooda karuurka geela, dhayda iyo maydhanaanka laga dharqado, guri raysimo geel ah hareeraha uga foofaan, raaf-yaraha adhiguna aanu xad lahayn.
Balse waxa hal habeen ka dhigay caydh faro madaw, oo hal caddays laga liso aan loo reebin markii geeloodii oo aan lahayn barbaar dhiciya iyo odayaal biyo-culusta u fadhiya toona ay dabada ka mareen mooryaan aan lahayn tudhaale agoon iyo tiiraanyo miskiin midna.
Sheekhu waxa uu Alle ugu mahadin jiray in uu xoolahaas xad ka baxa ah dhaafiyey oo uu ka dhigay nin magaalada soo gala oo calafkiisa raadsada kaddibna diinta Alle barta.
DHACDADA 2AAD
Sheekhu Rabbi ha u raxmadee isaga oo kuray-xoog ah oo jooga xilligii uu xammaalan lahaa sidoo kale xarafka diimeedna looxa loogu xardhi lahaa, ayaa waxa uu galay dugsi Qur'aan aan ka madhnayn raacashada kutubta yar-yar ee shareecada islaamka,
Taas oo uu sheekhu gelinka danbe iyo habeenkii uu ku hawlanaa, isaga oo sheekhu la dhacsan barashada diinta Alle, ayaa waxa uu shaqo Nijaarad ah oo hal gelin ah ka helay goob lagu barto nijaaradda, waxa uu sheekhu ka gaadhay heer sare isaga oo isu diyaarinayey in uu noqdo nijaar madax bannaan oo aan gacan-yare u ahayn nijaar kale.
Balse hiigsigaasi waxa uu noqday mid lagu hungoobay iyo hal bacaad lagu lisay markii sheekha lagu war-geliyey in uu kala doorto labo daran midkood:
1) In uu shaqada wakhtigiisa oo dhan u huro
2) Iyo in uu shaqada banneeyo oo uu dantiisa raacdo.
Waa labo tooda macaani aanay qadhaadh iyo qanjo xanuun ka madhnayn, balse tawfiiqda iyo taladu wa ta Rabbiga Raxmaanka ahi ku waafajiyee, sheekhu waxa uu qaatay taladii markaa qadhaadhayd balse dib ka qurxoonaatay oo ahayd in uu u go'o barashada diinta Alle oo uu kaadhka guduudan ka qaato shaqadii uu tacabka badan geliyey.
20 sano kaddib ayaa sheekhu waxa uu la kulmay odaygii shaqada ka caydhiyey oo halkiisii alwaayxyada jeex-jeexaya isaguna uu darajada labaad ee aqoonta kasoo qaatay carriga sucuudiga.
DHACDADA 3AAD
Seekha oo ahaa wadaad kitaabka Qur'aanka yaqaan balse aan aqoon kale u dheerayn ayaa waxa loosoo ban-dhigay in uu reero Qur'aanka baro, waxana loo ballan-qaaday in gabadh daruur u eeg aroos loogu dalaq-siinaayo, reerkaana uu inan-la-yaal iyo sheekhu-dariiqe u noqon doono.
Balse waxa ay rajadaasi soo idlaatay markii nin reerka uga horreeyey oo inan-la-yaal ahaa dab ka dhex shiday reerkii iyo wadaadkii isaga oo ku andacoonayey in ay aano-colaadeed iyo anafo-dagaal uu ka dhexeeyo reerka wadaadku yahay iyo isaga reerkiisa, halkaana aanu deris-wanaag iyo ooriyo-walaal la noqon doonin cadawgiisa, waxa uu ku amray ooridiisii in ay hawshaa dabka ku shiddo, durbaankana u tunto oo ay inanta ku dirto kuna dhehdo "Ceebtaadee ma waxa lagu siiyey wadaad caydh ah!" iyo erayo la mid ah.
Habeenkii arooska ayaa inta inantii loosoo xiiray la yidhi "Firdho oo reer fulaan haka sokaynnin",
lad-qabo badan kaddib waxa ay noqotay riyo beenowday iyo rajo baaba'day.
Taasna sheekhu waxa uu sheegay haddii Alle la dooni lahaa in uu noqon lahaa wadaad warmooge ah oo reeraha qardhaasta u qora, quraankana ku qadhaabta.
DHACDADA 4AAD
Sheekha oo bilaa camal ah oo ah wadaad kitaabkiisu garabka sudhan yahay ayaa waxa uu arkay Hargeisa oo shaqo ciidan laga rabo, gaar ahaan ciidanka asluubta, sheekhu waa uu isu diyaariyey isaga oo laba arrimood niyeystey
1) In uu dacwadda uga faa'idaysto maadaama uu ciidanka asluubta ku biirayo
2)Iyo in uu nolol-maalmeedkiisa ka raadsado oo uu reerkoodana ku masruufo wixii Alle ka siiyo.
Balse rajadaasi waxay luntay markii la yidhi "nin walawba dhererkaaga hala cabbiro oo ninkii dherer sheegta ayaa shaqadanna mudnaanta koobaad yeelan doona", sheekha rag ka dhaadheer ayaa isasoo dhoobay oo markiiba booskaa buuxiyey.
Taasi waa tu' kale oo tusinaysa in sheekha danta Rabbi ka rabay aanay ahayn dhuuni uu raadiyo, dhool dumar oo loo dhiso iyo dhacadiidsi uu ku dhergo balse ay tahay dhabar-adayg, dhalan-dhool iyo in uu u dul yeesho dhib kasta oo loo maro dhabbaha dacwadda ee uu sheekhu cumrigiisa ku dhammeeyey.
Rabbi ha u naxariisto sheekh Cali Warsame.
Waxa qoray Abdiqani Agaabeeye
Waxaa qoray ProfAbdisalan Yassin
Waa maxay dastuur?
Erayga dastuur (دستور) af Carabi ayuu ka soo galay af Soomaaliga. Eraykoobaha Carabiga (Arabic Dictionary) ah ( المعانىالجامع( wuxu sheegayaa in erayga dastuur asal ahaan ka yimi erayga dast (دست), kaas oo ujeedadiisu tahay golaha xaga horeدست المجلس ) (. Waxa kale oo uu noqon karaa kursiga xukunka ama wasaaradaha (دست الحكم او الوزارات = كرسى الحكم او الوزارات). Ujeedada asalka ah waxa ka muuqata in erayga dastuur (دستور) uu xidhiidh toos ah la leeyahay gole ama xukun.
Marka aynu u nimaadno ujeedada gaarka ah ee dastuurna, waxa weeaye: xeerka ugu sareeya ee dhiga asaaska iyo qaabdhismeedka dawladda, ha yaraato dawladdu ama ha weynaato, ha noqoto boqortooyo ama jamhuuriyad. Tusaale ahaan, dasaatiirta xiligan lagu dhaqmaa waxay qeexaan awoodaha dawladda oo kala soocan, isilaaliya, isuna dheelitiran (separation of powers and checks and balances). Waxaana xusid mudan in la sheego in ay kala duwanyihiin dawlad iyo xukuumad.
Dawladdu waxay ka koobantahay saddex waaxood: (1) waaxda xeerdejinta (2) waaxda fulinta iyo (3) waaxda garsoorka. Xukuumaduna waxay ka koobantahay waaxda fulinta oo qudo. Taas oo ah madaxweynaha ama wasiirka kowaad (president or prime minister) iyo wasiiradiisa oo maamula wasaaradaha ay ka koobantahay xukuumaddu. Waxa dhacada dadka af Soomaaliga ku hadlaa in ay labada eray ee kala ah dawlad iyo xukuumad isku si u adeegsadaan oo yidhaahaan dawladda Somaliland iyaga oo ujeeda xukuumadda Somaliland. Sida kor ku xusanna xukuumadda Soomalilandna waxay ka mid tahay dawladda Somaliland. labada eray sidaa in ay u kala duwanyihiin ha la ogaado hana loo adeegsado sida ay kala yihiin.
Waxa kale oo uu dastuurku qeexaa habmaamulka xukuumadda. Habmaamulkaas oo noqon kara mid ah xukuumad uu hogaaminayo madaxweyne ama wasiir kowaad.
Dastuurku marka uu qeexaya awoodaha (powers) waax wal oo dawladda ka tirsani leedahay, tilmaamayana isilaalintooda (checks) iyo isudheeltirkooda (balances), waxa uu caddeeyaa mid walba xuquuqda (rights) uu leeyahay iyo xilka (responsibilities) saaran iyo sida saddexda waaxood u wada shaqaynayaan.
Waxa kale oo uu dastuurku si cad u qeexaa aragtiyaha asaasiga ah (fundamental principles) ee lagu maamulo dal. Dhismahaasina dastuurka waxa uu u qaybiyaa saddex qaybood oo kala ah: (1) qaybta jiritaanka dal (concept of a country) (2) qaybta xuquuqda daljiraha ( basic individual rights), iyo qaybta (3) qaabdhismeedka dawladda.
Hadaba falqaynta aynu kor ku soo maray waxa inooga muuqata in dastuurku yahay heeshiis adag ( غليظميثاق( oo ay ku heshiisay bulsho dhisanaysa dawlad ay saldhig u yahayiin xornimo, talwadaag, kala-duwanaan, iyo ururo. Heeshiiska adagna waa in lagu wada dhaqmaa, oo la wada ilaaliyaa, oo la qabtaa ciddii ku xadgudbaysa. Sidaa ayuun baa dawlad hanata degnaansho, horumar iyo badhaadhe lagu heli karaa. Markaa, dastuurka aan ku dhaqano, ilaashano, oo qabano ciddii ku xadgudbaysa.
25/01/2022
Waxaa qoray ProfAbdisalan Yassin.

Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Telephone
Website
Address
Hargeisa