Bandhig Jacayl
Jacaylka
Jacayl dhiig ma lagu qoray
Weli dhuux ma loo shubay
Qofna saanta dhabarkiyo
Dhabannada cad laga jaray
Hadalkii ma lagu dhigay.
Hadraawi
Kaftan baa jacayl dhala.
13/01/2023
Dayaxuna dhankaa bari
Nuurkowga soo diray.
Berigaan jacaylka u haystay waalida waan waalnaa. Dabcan haa waan waalnaa, waayo shay ayaan ka raadinayey meel aanu weligii cagta saarin. Miyaad ka habaabi qoladii NASA ee raadadka nolosha ka raadcaynaysay Meerayaashan kala duwan, ee ku dul wareegaya qorraxdan tamarta kulka iyo ilayska inna siisa? Dabcan qoladaas ayuun baanu isku nooc ahayn berigaas aan jacaylka waalida u haystay.
Horta yaa igu yidhi jacaylka dhabta ahi ma maydhmo, ma tirmo ma baaba’o oo lagama bogsado? Horta yaa igu yidhi jacaylku waa gumayste hadduu mar wadnahaaga d**o, aan la iska kicin karin oo weligaa inta madaxaagu saan leeyahay addoon loo ahaanayo? Waxa igu yidhi suugaanyahankii iga horreeyey ee aan dugsiyadooda ka soo qalin jebiyey. Waxay igu anqariyeen tixo dhiiggu ka tiixayo oo dhammaantood ka shidaal qaadanaya tawstii cilmi boodhari. Waxay dhegta iigu rideen tuducyo kuwani ka mid yihiin:
“Ma sal-guuro caashaqe
Ani sibiq ma igu helay”
“Jacayl biri ma goysoo
Biyo kaama maydhaan”
Markaan ka sharaabay badweyntaa afkaartaasi, maxaad iga eegaysaa inan sameeyo. Wixii la cabsiiyey ayaan soo celiyey, oo waxan is arkay anigii oo dadka ku leh, ma ku sheegaa waxan ku lahaa? Dee Haa i dheh.
“Kashuu boholyow fadhiistay
Bad-weynta haddaad ku maydho
Ma baaba’o shaw jacaylku!!!”
Kuwan oo qudha maaha, balse col kale oo aynaan isku af ahayn suugaantooda ayaan ku falnaa oo in badan aan ka ladaabtay warahooda sumaysan; Waa afka Carbeede. Soomaalidu caano ayey noqonaysaa markaad kuwan kalena aad eegto.
ويملكني هواك وكل حر لمن يهواه يا سلمى رقيق
Runtuse waxay tahay, jacaylku Wuu sal-guuraa wuu tirtirmaa, waana laga bogsadaa. Dee Waayo i dheh ha iska boodine!! boqolaal indhaha inay isku bixiyaan qarka u saarnaa, ayaan maanta dadka iska aqoon oo mid waliba noloshiisa gaarka ah iska wataa. Iskuma soo hiloobaan, iskuma soo xiisaan xataa isma xasuustaan, wax kasta oo dhex marayna keliya boggaga taariikhdooda ayuun buu ka sii muuqdaa!!!
Oo toloow maxay tahay sababta uu jacaylkii u salguurayo, u suulayo ee uu u tirtirmayaa?
Mar kale ayaan sheekadaa kaaga sheekaynee, intan maanta iska muurmuurso.
Weedhsame.
Bidhiiqyada dhaayahayga
Bu'diyo wiilkii ishaadtay.
-Weedhsame-
Waa maxay jacayl
jacaylku waa dareen mideeya laba qalbi oo is doonaya. Jacaylku waa is tixgelin, is tebis, iyo isku tiirsanaan. Jacaylku waa is weheshi, iska war hayn, isku werwerid, iyo in la wadaago dhib iyo dheef hadba wixii jira. Dadka is jeceli isma dhayalsadaan, iskuma dheeldheelaan, wiirsina hadalkiisaba daa!.
Dadka is jeceli way iska farxiyaan ee iskama nixiyaan, way is dugsadaan ee isma deyrshaan, way isku hiloobaan ee isma hilmaamaan, way is qadariyaan ee isma quudhsadaan, naftay isku huraan niyadana way isku dhisaan.
Dadka is jeceli waa isku riyo,waa isku rajo, raali baanay iskaga yihiin raaxadiyo rafaadkaba. Dadka is jeceli eegmaday iskugu qadaan, odhaahday isugu samraan,waanay isku indha kuushaan. Markay kala maqan yihiin qalbigay ka midaysan yihiin.
Way isku dhaataan,way is dhiirigeliyaan, way is dhegaystaan, way is dhawraan, wed kala dhaqaaja mooyee wax kale ma kala dhantaalaan.
“waan ku jecelahay” dhegta waa u hadal qalbigana waa u dhaar oo waxay uga dhigan tahay- “aan is hanano, aan isku kaa halleeyo, aan isku soo hirano, ila hawl gal, nafta ii hur, ii hiili,adaan heegan kuu ahay,hoo kalsoonidayda”. Miyuu fudud yahay dhawaaqaasi? Haddaba, Ha iska odhan adigoon fulin karayn!
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the business
Telephone
Website
Address
Hargeisa
