Xafiiska waxbarashada degmada hargeysa
Waxbarashada
26/12/2021
Madaxweyne ku xigeenka iyo madaxda wasaaradda oo dhagax dhigay laybareeri
Madaxweyne ku xigeenka Somaluland cabdiraxmaan saylici ayaa dhagax dhigay laybareeri ay wasaaradda waxbarashadu yeelanayso,waxaana munaasibadan dhagax dhiga goob joog ka ahaa Wasiirka waxbarashada wasiirka qorsheynta wasiir ku xigeenka artimaha guddaha maayar ku xigeenka caasimadda guddoomiyaha waxbarashada degmada hargeysa iyo guddoomiyaha waxbarashada gobolka.
Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenka iyo masuuliyiinta ayaa sidoo kale kormeer ku tagay Dugsiga Sheekh Nuur si ay xogogaal ugu noqdaan hirgelinta mashruuca JPLG-ga ee laga fuliyey digsigan
26/12/2021
Wasiirka waxbarashada iyo madaxda wasaaradda waxbarashada oo u kuurgalay qaabku u socdo tirikoobka macalimointa dugsiyada
Wasiirka waxbarashada somal8land azmed maxamed diiriye toorno iyo madaxda wasaaradda waxbarashada gaar ahaan ﹰguddoomiyaha waxbarashada dwgmada hargeysa marwo aamina casayr magan iyo guddoomiyaha waxbarashada gobolka maroodijeex ayaa u kuurgalay nidaamka iyo qaabky u socdo yoeikoobka macal8miinta ee ka socda xarunta gobolka waxaana xusid mudan in tirikoobkan ay si wada jira u 2adaan ﹰWasaaradda waxbarashada baanka iyo hay'adda shaqaaluhu
ﹰ
23/12/2021
Guddoomiyaha Waxbarashada Degmada Hargeysa Marwo Aamina Casayr Magan oo mar kasta ku talisa samaha islaaxa wanaaga iyo ku dhaqanka Cibaadooyinku ALLE inagu faral yeelay ayaa tallooyin dhiirigelin dardaaran iyo waano u soo jeedisay guud ahaan dhalinyarada waxayna tidhi "Mar walba dhalinteena iyo guud ahaan shacabkeena waxaa looga baahan yahay inaynu wada ilaashano cibaadooyinku ALLE inagu faral yeelay,waxaa la inooga baahan yahay inaynu qiraanka la saaxibno si imaanku u saayido ajar khayr iyo xasanaadna uga helno,waxaana dhalinteena iyo guud ahaan shacabkaba ugu baaqay inay aad uga taxadiraan shilalka oo aad inoogu soo badanaya,inkzstoo qadarku qoran yahay haddana si taxadir ku jiro aynu gadiidka ha loo wado si khsaare naf iyo maalba uga badbaadno"
20/12/2021
Maamulaha Dugsiga Macalin Da'uud Marwo Khadra Daahir Cabdilaahi ayaa sheegtay inay Hay'adda NRC uga mahadnaqayso qalabka ay ku wareejisay uguna deeqday Dugsiyada,waxayna tilmaantay in agabkan iyo qalabkan waxbarasho uu faa'iido bafan u leeyahay Dugsiyada,waxay kale oo si gaar ah ugu mahadnaqday Madaxda Wasaaradda Waxbarashada ee dalka ,waxayna tilmaantay inar mar walba la garab taagan yihiin hiil gubaabo iyo dhiirigelin.
Maamulaha Dugsiga Macalin Da'uud Khadra Daahir Cabdilaahi ayaa sidoo kale ardayda ugu baaqday inay mar kasta dadaal sameeyaan oo wax akhriska badiyaan.
20/12/2021
Guddoomiyaha Waxbarashada Degmada Hargeysa Oo Ka Hadashay ﹰqalab Waxbarasho Oo La gudoonsiiyey dugsiyada caasimadda
Guddoomiyaha waxbarashada degmada hargeysa marwoaamina casayr magan ayaa si xeeldheer uga hadashay agab waxbarasho oo Dugsiyada Caasimadda ay ugu deeqday Hay'adda NRC.
Guddoomiyaha Waxbarashada degmada hargeysa Marwo Aamina Casayr Magan ayaa Hay'adda NRC uga mahadnaqday agabkan waxbarasho ee Dugsiyada soo gaadhsiiyey,waxayna guud ahaan Maamulayaasha kula talisay in meel looga soo wada jeesto horumarka waxbarasho,dhinac kastana laga dhiso mustaqbalka ardayda,iyadoo xustay inay Waxbarasho ay hadda aad u wacan tahay,Siyaasada Waxbarasho ee Xukuumadduna ay tahay inaynu hiigsano waxbarashada wadamada horumaray
20/12/2021
Dugsiyada Dawladda Oo Lagu Wareejiyey qalab Waxbarasho
Qaar ka mid ah Dugsiyada Dawladda ayaa qalab Waxbarasho oo kala duwan kala wareegay Hay'adda NRC.
Maamulayaasha qalabkan lagu wareejiyey ayaa Hay'adda NRC uga mahadnaqay sida agabkan iyo sida wax ulgala qabato Waxbarashada.
Guddoomiyaha Waxbarashada Degmada Hargeysa .Marwo Aamina Casayr Magan oo iyadu mar kasta u heelan horumarka Waxbarashada ayaa ku baaqday in mar kasta ka go'an tahay in horumarka Waxbarashada iyo horumarka mustaqbalka ardayda meel looga soo wada jeezto waxayna Hay'adda NRCuga mahadnaqday agabkan Waxbarasho ee Dugsiyada ugu deeqday waxayna tallooyin iyo tusaallooyin u soojeedisay Maamulayaasha Dugsiyada
15/12/2021
Madaxda Wasaaradda Waxbarashada ee Degmada Hargeysa Oo Kormeer ku tagay Dugsiga Imaraadka
Madaxda Wasaaradda Waxbarashada ee D3gmada Hargeysa ayaa kormwer ay ugu kuurgalayaan hadba xaalada Waxbarasho ee Dugsiyada ooay si joogto ah ugu kuurgalaan una kormeeraan hadba Waxbarashada dalku halkay marayso ayey ku tageen Dugsiga Imaraadka.
Guddoomiyaha Waxbarashada Degmada Bargeysa Marwo Aamina Casayr Magan iyo Guddoomiye ku xiveenka Waxbarashada ee Degmada Hargeysa Muddane Maxamuud Ibraahim Cismaan oo kormeer ku tagay Dugsiga I.araafka ee Magaalada Hargeysa waxay xog wareysi la yeesheen Maamaha Dugsigan waxaanu tilmaamay inay xaalada waxbarasho ee dugsigu meel wacan marayso
15/12/2021
Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada Degmada Hargeysa Oo Kormesr Ku Tagay Dugsiga Sheekh Nuur
Masuuliyiinta WaxbarashadaDegmafa Hargeysa oo si joogto ah uga war haya xaalada waxbarasho ee Dugsiyada una kuurgala ayaa kormeer xogogaalnimo ku tagay Dugsiga Sheekh Nuur ee Magaalada Hargeysa xilli ay Ardaydu ku jireen Imtaxaanafa.
Guddoomiyaha Waxbarashada Degmada Hargeysa Marwo Aamina Casayr Magan iyo Guddoomiye ku xigeenka Waxbarashada Degmada Hargeysa Muddane Maxamuud Ibraahim Cismaan oxaalada Dugsigan u kuurgalay ayaa waxaa u xog waramay Maamulaha Dugsiga Sheekh Nuur Yuusuf Xasan oo uga xog waramay xaalada Dugsiga oo uu sheegay inay meel fiican wax u marayaan.
Guddoomiyaha Waxbarashada Degmada Hargeysa Marwo Aamina Casayr Magan ayaa waano gubaabo tallo dhiirigelin iyo wacyigelin u soo jeedisay Ardayda waxayna ugu baaqday in mar kasta dadaal la muujiyo oo loo dhego nuglaado Waalidka,Maamulka iyo Macalimiinta laguna dadaalo ilaalinta salaada iyo cibaadooyinkaALLE inagu faral yeelay lagana feejignaado wax kastoo lid ku ah Diinta,Dhaqanka iyo Waxbarashada.
Guddoomiye ku xigeenka Waxbarashada Degmada Hargeysa Muddane MaxamuudIbraahim Cismaanka ayaa isna tallooyin muhiima u soo jeediyey Ardayda uguna baaqay inay dadaal iyo xilkasnimo muujiyaan
15/12/2021
Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada Degmada Hargeysa Oo Kormesr Ku Tagay Dugsiga Maxamuud Axmed Cali
Masuuliyiinta WaxbarashadaDegmafa Hargeysa oo si joogto ah uga war haya xaalada waxbarasho ee Dugsiyada una kuurgala ayaa kormeer xogogaalnimo ku tagay Dugsiga Maxamuud Axmed Cali ee Magaalada Hargeysa xilli ay Ardaydu ku jireen Imtaxaanafa.
Guddoomiyaha Waxbarashada Degmada Hargeysa Marwo Aamina Casayr Magan iyo Guddoomiye ku xigeenka Waxbarashada Degmada Hargeysa Muddane Maxamuud Ibraahim Cismaan oxaalada Dugsigan u kuurgalay ayaa waxaa u xog waramay Maamulaha Dugsiga Maxamuud Axmed Cali oo uga xog waramay xaalada Waxbarasho ee Dugsiga oo uu sheegay inay meel fiican wax u marayaan.
Guddoomiyaha Waxbarashada Degmada Hargeysa Marwo Aamina Casayr Magan ayaa waano gubaabo tallo dhiirigelin iyo wacyigelin u soo jeedisay Ardayda waxayna ugu baaqday in mar kasta dadaal la muujiyo oo loo dhego nuglaado Waalidka,Maamulka iyo Macalimiinta laguna dadaalo ilaalinta salaada iyo cibaadooyinkaALLE inagu faral yeelay lagana feejignaado wax kastoo lid ku ah Diinta,Dhaqanka iyo Waxbarashada.
Guddoomiye ku xigeenka Waxbarashada Degmada Hargeysa Muddane MaxamuudIbraahim Cismaanka ayaa isna tallooyin muhiima u soo jeediyey Ardayda uguna baaqay inay dadaal iyo xilkasnimo muujiyaan
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Telephone
Website
Address
064141424
Hargeisa
