ahmed sead

ahmed sead

Share

jidhaaga

20/11/2023

Xeerarka kubada cagta marka xaafada la joogo:

1- Albiitaro ma jiro.
2- Ciyaarta waxey dhamaanee marka maqribka la aadaamo ama wiilka banooniga leh ay hooyadiis u yeerto ama uu asaga xanaaqo.
3- Rigoore ayaa la dhigaa haduu uu qof dhaarto oo uu dhaho: Walaahi Rigoore waaye anaa arkaayey gacan ayuu ku taabtay.
4- kan ugu buuran ayaa boortiyeeri noqonaayo.
5- Qaladka waxaa la xisaabanaa markii dhamaan la isku waafaqo oo cid dood ka qabtaa aysan jirin.
7- Hadii qof iska socdo uu imaado kooxda uu rabo ayuu ku biiri karaa.
8- Tirada ciyaartoyd ee garoonka galeyso labo ayey ka bilaaban kartaa Ilaa 20 waa la gaarsiin karaa koox walba.
9- Rigooro hadey noqoto boortiyeeriga waa la badalan karaa, oo xariif dhaxda ka dheelaa ayaa boortiyeeri noqonaa, marka rigoorada la tuurtana dhaxda ayuu iskaga laabanaa.
10- Goolasha qaar iney dhasheen iyo in kale waa in lagu heshiiyaa hadii kale ciyaarta waa banad.
11- Gool horey lagaaga diiday iyo mid hada dhashay waa la isku tuuri karaa hadii maslaxo loo arko.
12- Ninka banooniga iska leh marna lama badali karo.
13- Mararka qaar tirada goolasha la iska dhaliyey ama koox walba lagu leeyahay waa la isku qabsan karaa, waana laga heshiinaa.

Waagii uu banooniga fiicnaa.

Ku sii dar adiga.

Xigasho: Ahmett Aidaruus Seed

Category

Website

Address


Hargeisa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when ahmed sead posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Subscribe

We will notify you when anything happens in Hargeisa.