Ubax boqore
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Ubax boqore, Health/Beauty, Hargaysa, Hargeisa.
Kalgacaylku waa dhibe
Xili qoraxdu dhoolaha
soo dhamaysay subixii
dhulku wada cagaar yahay
weli wiil dhigaaga ah
dhabo maysku qabateen
waa dhaqanka diintee
dhinac mawga baydhoo .
haku dhaafo mays tidhi
Markii uu dhankaa maray
Daymada ma dheehdoo
ma la raacday dhaayaha
sida dhibic ma hiigaan
kalgacayl ma kugu dhacay
Adoo dhararan goobtii
ma dhamcoo makaa tegay
Adigoon is dhaadayn
waa dhambaal layaableh
ma cadaysay dhoolaha
qalbiguna dheh mays yidhi
wallee waa dhamays kani
Maalintani dhamaanteed
maku dhaaftay adigoo
kulankii ku dhaygagay
Dharaartani tilmaanlee
ma dhitaysay xiisaha
Markay qoraxi dhalataba
dhabihii ma eegtaa
Bal inuu ku soo dhoco
dhamayskii qalbiga xaday
Adoo dhuubtay dabadeed
dharaar kale ma kulanteen
Isagoon ku dhaadayn
adna uu ku dhigan meel
kaftan maysla dhaabteen
Maku yidhi dhabeelay
magacaaga ii dhiib
maku tidhi dhamaysow
magacaygu waa dhudi
maku yidhi dhabeeleey
anna kaygu waa dheeg
dhab dhab maysu barateen
maysu dhiibteen sheekada
ma dheeraatay doodii
sida sheekh cilmiga dhiga
dheguhu mow dhegaysteen
Qalbiguna ma dheefsaday
kaftan adiga ku dheer
isna barasho uga dhigan
ma dhamaaday kiiyoo
weedh kastoo dhankiisii
dhadhan gaara leedahay
ma dhaqaaqay dabadeed
Ma sii dhugatay eegmada
ileen daymo dhereg maleh
Adigoon ka bogan dheeg
muuqii makaa dhumay
kulankii dhakhsiiyaba
xanuunkale ma kugu dhigay
Xadma dhaaaftay lahashadu
adigoo dhib badan qaba
Ma dhaqaaq dabadeed
dhanka gurigu kaa xigo
Ina aad dhibane tahay
ma dhaadeen dadwaynuhu
kuu dhalasho kuu xigay
dadka dhoohan xaajadu
talo maysu dhiibeen
degdeg waadh ma lagu dhigay
Adigoo dhibkaa qaboo
dhakhtar yaal lagaa dhigoon
xumadana lagaa dhiman
saxiib aad u dhowdahay
maku yidhi maxaa dhacay
maw dhamaysay sheekada
Maku yidhi dhib weeyee
qofka dhaymahaaga ah
inta aanad dhimaneen
dartii iilka lagu dhigin
haka dhigin dambiilee
Waxa jira ka dhaadhici
ha dhameeyo hawshee
Maku dhiiriyeen qaar
ma dhaqaaday dabadeed
Dhaymo raadso may tidhi
durba dheeg ma kulanteen
dhakhtarkaaga weeyee
ma dhamaaday kaarkii
dhakhtarada laguu dhigay
dhedigimo xishoodleh
adigoo ku soo dhaxay
xaqiiqada u dhiib
hadalkii dheh mays tidhi
Ma dhamaatay tamartii
dhufanaysay weedhaha
Si yar mawgu tidhi dheeg
Maku yidhi dhabeeleey
hee dheeman soo hadal
soo dhiiro maystidhi
hadalkii ma kugu dhegay
ilmo dhibici waynlihi
maku qoysay dhabanada
Wakhti dheer markuu sugay
maku yidhi maxaa dhacay
waxba dheeg intaad tidhi
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Website
Address
Hargaysa
Hargeisa
