Kaaba Make Up
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Kaaba Make Up, Health/Beauty, Hargeisa.
24/09/2021
๐๐ง๐ญ๐๐ง ๐ฌ๐๐ฆ๐๐ ๐จ๐จ ๐๐๐ซ๐ฑ๐๐ ๐ค๐ฎ ๐ง๐จ๐จ๐ฅ๐จ๐จ๐ฐ.
๐ธKu bilaaw maalinkaaha salaadda subax iyo adkaarta subax si uu u noqdo maalin barakeysan oo guulo badan.
๐ธJoogteet istiqfaarta xili walbo si ui sheydaanka aktaada ugu soo dhawaan.
๐ธJoogteey ducada waayo waa xarigi badbaadada.
๐ธXusuusnoow in ereyada aa ku hadleyso oo dhan ay qorayaan malaa'igta garbahaaga saaran.
๐ธRajada fiican badso si walboo ay xaaladdaada u xuntahay.
๐ธKu qurxi faraha gacmahaaha tasbiixda iyo xuska alle.
๐ธHaddey murugada kugu badato xasuuso allaah ee dheh laa ilaaha illa laah.
๐ธMaalkaaga ku iibso oo ku hel ducada fuqarada iyo jaceylka dadka masaakiinta ah.
๐ธSujuud in badan oo sujuudda ku dheeroow si uu alle kuugu dambi dhaafo.
๐ธFikir intuusan erey afkaaga soo marin waayo ereyada qaar waa sida sunta oo dadka wey dilaan.
๐ธIska jir ducada qof aad dulmusay iyo ilinta aa ka keentay qof aanan waxba haysan.
๐ธIntaadan aqrinin jaraa'idyada iyo buugaagta tirada badan, aqri qur'aanka waayo asaga ayaa kuu shafeeca qaadaya maalinka yowmul qiyaamo.
๐ธSabab u noqo toosnaanta ehelkaaga oo horseed u noqo.
๐ธKula jihaad naftaada daacada rabbi, waayo nafta waxay qofka fartaa wixi xun.
๐ธDhunko gacmaha labadaada waalid oo raalinimadooda kasbo.
๐ธDharkaagi h**e waxay dhar cusub u noqonayaan qof faqiir ah, ee dharka aadan rabin sii qofki u baahan.
๐ธHa xanaaqin waayo nolosha wey ka gaabantahay sida aad maleeyneeyso.
๐ธWaxaa kula jira inta awoodda badan kan ugu awoodda badan kaasoo ah Allaah sw ee farax.
๐ธOgoow macsiyada iyo dunuubta waxay xeraan albaabki ajiibitaanka ducooyinkaaga.
๐ธSalaadda waa waxa ugu wanaagsan ee kaa saacidi karo inaa ka baxdo dhibaatooyinka iyo culeysyada ku haysto.
๐ธKa fogoow malooyinka xun xun, si qalbogaaga uu mid degen u ahaado.
๐ธMurugo kasto waxay kuu timaadaa markaa alle kasii jeesato, fadlan usoo laabo rabbigaa.
๐ธHaddaa aragto qof dadka xamanaya, ku dheh "Alle ka baq".
๐ธJoogteey inaa aqriso suuratul Mulk(tabaarak) waayo waxay kaa badbaadin doontaa cadaabul qabriga insha allaah.
๐ธQofka aa waxba haysanin waa qofka laga xaaraantinimeeyay salaad khushuuc leh iyo indho ooyaya oo alle baryaya.
๐ธJaceylkaaga dhan sii Allaah iyo rasuulkiisa Muxammad scw.
๐ธIska saamax qofkii ku xanto, taas ayaa kuu ajar badan.
๐ธSoo xasuuso kuleelka naarta inta aadan sameynin dambi ama macsiyo, kadibna dooro midki kuu fiican labadaa.
๐ธMaadaama habeenka uu tagayo waaguna baryayo, sidaa si lamida shidadu wey tagi waxaana ka dambeyn doono farxad iyo barwaaqo insha allaah.
๐ธKa haajir oo ka fogoow "waxaa layiri iyo mxaa layiri" waayo danahaaga kale ayaaba ka dhaadheer buuraha oo howl kaa raba.
๐ธU duko salaadda si khushuuc leh, oo u duko si aayar ah qalbigaagana soo xaadiri, waayo lakulanka rabbigi ku uumay wax ka weyn oo usoo degdegtaahi maba lahan.
๐ธMusxafka qur'aanka ah barkintaada ha yaallo oo boorsadaada gacanta hakuugu jiro, oo qur'aanka oxygen kaaga ha noqdo kaasoo aadan ka maarmi karin.
๐ธNolosha wey qurux badantahay lkn waxaa ka quruxbadan adiga iyo iimaankaaga.
Allaha idin barakeeyo quluubtiina farxad ha siiyo adduun iyo aakhiro oo ha idiin rumeeyo wax walboo wanaag ah ood jeceshihiinโค๐คฒ
19/09/2021
Ma donaysa qurux ๐ 1.jooji sheekadaa dumarka 2.xantada wareeegaa 3 caaajiska.4 salad la antaa .5 iska socodka ku fikir dantadaaa naftada waqti siii
19/09/2021
๐ฃ๐ฎ๐ฆ๐๐๐ก๐.
๐๐
Haddaa guriga joogeysid maalmaha fasaxa ee khamiista iyo jimcaha, waxaa fiican inaa howlaha waaweyn oo dhan qabato maalinka khamiista iyo maalmaha kasii h**eeyo.
๐
๐
Soo kac xili h**e subaxa jimcaad oo salaaddaada duko quraac macaan reerka u kari.
๐
๐
Maalinka jumcaha naso oo intaa shaawar qaadato xamaamu maqribi kusoo qubeyso, dhar qurxoon soo xero, duko salaadda duxa, oo aqriso suuratul kahfi, oo saliga nabiga iyo adkaar badan aqriso.
๐
๐
Uunsi soo shido oo qolka hagaajiso daaqadahana u furo oo dharkaaga kala habeyso cadar ama barafuun carfayana marso.
๐
๐
Naftaada la qaado waqti oo timaha iyo wajiga maask dabiici ah marso sida ukunta, cofeega, huruudda malabka, dacaarta iwm.
๐
๐
Waqti fiican la qaado ehelkaaga ama reerkaaga oo qado fiican u kari hal miisna wax ku cuna oo isku imaada maadaama aad maalmaha kale badanaa kala maqantihiin.
๐
๐
Ku duko salaadahaaga oo dhan xiligooda.
๐
๐
Sii diyaarso jadwalki isbuuca iyo sidaa howlahaaga ukala hormarin laheyd.
๐
๐
Sii diyaarso dharki aa birito xeran laheyd haddaa arday tahay, haddaa shaqo aadeyso, haddaa meel kale aadeyso iyo haddaa joogeysaba.
๐
๐
Fiiri taleefankaaga oo kala habeey sawirada, iskana tuur waxyaabaha aa ka maaranto ee kaa buuxinaya, kuna shubo axaadiis, applications ku anfacaya, iyo wax walboo faa'iido kuu leh.
๐
๐
Galabki soo luga baxso banaanka aad ama joog oo soo diyaarso shaah iyo buug iyo macmacaan ama daango oo jawi degen ku naso, ama daawo filim ama qabso howlaha guriga, ama aqriso casharadi iskuulka ama jaamacadda.
๐
๐
Saacadda istijaabada yey ku dhaafin ee saligaaga ku duceyso.
๐
๐
Haka dib dhicin waqtiga hurdada oo seexo waqti h**e habeenkii adkaarta hurdadana ha iloobin si isbuuca cusub uu kuugu bilaawdo adigoo faxfax ah.๐
๐๐
๐ผWIILASHA๐โโ๏ธ:
1. Subixi alaseydi ka kac oo hurdada haku daahin
๐
2. So cadeyso soo quraaco.
๐
3. Ama soo cadeyso soo qubeyso kadibna soo quraaco.
๐
4. Xiro dhar qurxoon oo nadiif ah.
๐
5. Is carfi oo cadar ama barafuun isku soo buufi.
๐
6. Aad masjidka goor h**e afarta saacba.
๐
7. Ku dhez aqriso suuratul Kahfi waayo waa nuur waxayna kuu nuurineysaa isbuucaas oo dhan illaa laga gaaro jumcaha kale.
๐
8. Saliga nabiga badi + adkaarta iuo ducada.
๐
9. Saacadda istijaabada ee ah saacadda ugu dambeysa ee jimcaha masjidka fadhiiso oo duceyso umaddana u ducee.
๐
Waan hubaa qalbiga wacani liketu ma dhibto fadlan share oo xasuusi walaalahaa.
19/09/2021
๐๐๐ซ๐ฐ๐จ๐จ๐ฒ ๐ง๐๐๐ญ๐๐๐๐ ๐๐๐ซ.
๐Hadduu kareen dhacay ama aa nacday kuu yaalo ha tuurin ee miraayadaha guriga ku tirtiro, madiif buu ka dhigayaa.
๐ฎ
๐Koob khal ah ku darso shaambooga alaabta lagu dhaqo, wuxuu ka dilayaa alaabta jeermiska, dhaldhalaal ayuuna ka dhigayaa alaabta.
๐ฎ
๐Intaa alaabta dhaqeyso u kala qeybso qeybo badan sida: qeyb saxamo ah, qeyb qaadooyin iyo midiyo ah, qeyb koobab ah, qeyb digsiyo ah.
Kadibna qeyb walba markaa dhaqeyso aqri adkaar u gaar ah tasbiix ama saliga nabiga ama istiqfaar, waxaa is arkeysaa adoo dhameeyay alaabti oo waqtiga dareemin + ajar badanna kasbaday.
๐ฎ
๐Haddaa dooneyso in kushiinka(jikada) ay kuu ahaato mid qurux badan oo nadiif ah, u qeybso hagaajintiisa 5 maalmood,
๐Maalinka 1aad alaabta dhan soo bixi ee dhaq kadibna tirtir meelahooda ku kala nidaami ee ku xaree.
๐Maalinka 2aad gasacadaha aa ku shubato sokorta, xawaashaka iyo caleenta nadiifi oo dhaq kadibna ku kala shushub wixi ku jiray ee meel khaas ah oo qurxoon saarsaar.
๐Maalinka 3aad talaajad haddey kuu taalo si fiican u dhaq ee kasoo saar raashinka ku jira kadibna si nidaamsan ugu celi gudaheeda.
๐Maalinka 4aad soo xaaq kushiinka oo soo titir kor iyo hoos.
๐Maalinka 5aad usoo iibi wixi ka dhiman sida oomada alaabta u gaarka ah, marp istiraasho ah ama warqadaha wax lagu masaxo, warqadaha yaryar ee lagu dhejiyo talaajadda si ay kuu xasuusiyaan wax aa qaban rabto IWM.
๐ฎ
๐Bar naftaada inaa markaa qubeysato cirbahaaga dhagax(loogu talagalay) kusoo hoosho si ay adeeg kaaga noqon kadibna kareen mariso.
๐ฎ
๐Bar naftaada inaa gurigaaga ilmahaaga iyo ninkaaga dhexdooda isku qurxiso, oo lala yaabo quruxdaada, ninkaaga xaq buu u leeyahay inuu arko quruxdaada, naftaadana xaq bey u leedahay in aad qurxisoo carfiso maalin walba,
wax leysku qurxiyana waxa ugu yar waa cadarka dharka iyo indhakuusha.
๐ฎ
๐Bar naftaada in xili walbo aa ahaato qof caraf badan xatta hadey dadku wada dhididayaan oo kuleel darani jiro, ka fogow waxyaabaha dhididkaaga urta u yeelaya, nadiifi mar waliba meelaha laalaabka ku jira oo tinta iyo xaadda ka qaad, isticmaal bootarka cad ee caruurta, fame fash isticmaal iyo carfisadiisa oo mar walba ahaaw marwada nadaafadda.
๐ฎ
๐Bar naftaada in aan lagu qayaamin oo been laguu sheegin... oo sidee? kaalay anaa kuu sheegayee: yaan lagugu qayaamin oo laguu faaninin kareemooyin ama dhar ama cadaro oon lagu dhihin intaas besaa leyga soo siiyay iyo soo tijaabi oo soo gado.
Wax walboo raqiis ah ma wada fiicno wax walboo qaali ahna ma wada fiicno.
Wax walba oo dadka ku aragto iyo waxyaabaha leysu qasqasoo dhan ha tijaabin waayo waxyaabaha qaar kans*r ayaa laga qaadaa allaha na mootiyee, ilaali jirkaaga iyo caafimaadkaaga oo yaan lagu qayaamin.
Waxaa gadaneyso faa'iidadiisa baar oo aqri intaa dadka weydiin laheed oo wax walboo la sheego ha soo gadan.
๐ฎ
๐Bar naftaada markaa xaadda ka qaaddo xubinta hoose iyo kilkilaha aadan muddo isbuuc ah marin barafuun iyo cadar iyo dhidid qalajiye toona, waayo waxaa furan daldaloolka maqaarka waxayna kuu sababi karaan waxyaabahaas madkadow, xasaasiyad ama kans*r allaha naga koriyee.
๐ฎ
๐Bar naftaada inaa habeenki intaadan seexan laba galaan ka dhigto timahaaga oo taakada iska bixiso, oo subixii markaa soo kacdana ay iskugu dhex yaacsanaan timahaaga.
๐ฎ
๐Bar naftaada inuu suuliga kuu yaalo kareen si markaa gashaba aa gacmaha usoo marsato oo ay gacmaha kaaga qalalin.
๐ฎ
๐Bar naftaada in qolka jiifka ay kuu taalo xanjo ama nanac carfaya si ay afka caraf idiinka dhigto adiga xaajigaba.
๐ฎ
๐Bar naftaada in mar walboo suuliga gasho aa biyaha kasoo qalajiso xubnaha qoyan oo maalintii 1 saac ay nafis iyo hawo helaan.
๐ฎ
๐Bar naftaada in hoos gashiga ๐ kan kore iyo kan hoosaba aa laba mar gashanin ee horay ka nadiifiyo maalin midkaa xerataba.
๐ฎ
๐Bar naftaada inaa guriga markaa hagaajineyso qol walba halmar kasoo dhamaato oo kan kale u gudubto lkn aa isku dhex wadin shaqada laba
โคโคโคโค
17/09/2021
17/09/2021
15/09/2021
Diyaaar hablo
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Culinary Team
Attire
Contact the business
Telephone
Website
Address
Hargeisa
