Somaliland Medical Association - SLMA
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Somaliland Medical Association - SLMA, Shacab Mall Building 26 June District Hargeisa, Hargeisa.
SLMA is the professional body representing doctors in Somaliland, dedicated to advancing medical standards, professional development, and health system strengthening.
“Danbarka ugu horreeya ee ilmuhu hooyadii ka jaqo ayaa wax walba oo cuni lahaa ama cabbi lahaa ugu mihiimsan” —Guddoomiyaha ururuka dhakhaatiirta.
02/08/2026
Ururka Dhakhaatiirta Somaliland (SLMA) waxa uu si sharaf leh ugu martiqaadayaa dhammaan hooyooyinka inay ka soo qayb-galaan kulan wacyigelin ah oo lagaga hadlayo:
“Naasnuujinta: Maxaa ka Run ah? Maxaase ka Been ah?”
Kulankan waxaa lagu iftiimin doonaa xaqiiqooyinka iyo fikradaha khaldan ee ku xeeran naasnuujinta, iyadoo laga jawaabi doono su’aalaha ay inta badan isweydiiyaan hooyooyinka.
Goobta: HALEELO TOWER
Maalinta: 05.08.2026
Waqtiga: Arbaca 7:00PM
Martida Kulanka:
Dr. Nuuradiin Garaad
Dhakhtarka Carruurta (Pediatric Specialist)
02/08/2026
Ka faa’iidayso Tabarkan 2-da maalmood ah ee “Management of Trauma Patient ” oo uu Soo Qabanqaabiyey Ururka Dhakhaatiirta Somaliland (SLMA).
📅 5–6 Aug 2026
Location : Burao,Togdheer
Halkan iska diwaan geli : https://forms.gle/UHgXQ4aSpCpmvFR49
01/08/2026
Ururka Dhakhaatiirta Somaliland (SLMA) waxa uu si weyn ugu mahadcelinayaa Jaamacadda Gollis oo ku maamuustay Ururka Billad Sharaf, taas oo lagu aqoonsaday kaalinta muuqata ee Ururku ka qaatay horumarinta xirfadda caafimaadka, tayeynta aqoonta iyo xirfadaha dhakhaatiirta, iyo dadaallada joogtada ah ee lagu kobcinayo tayada adeegyada caafimaadka, si bulshada Somaliland ay u hesho daryeel caafimaad oo tayo leh oo ay bixiyaan xirfadlayaal aqoon iyo karti leh.
Billada Ururka waxaa u gudoomay Gudoomiya SLMA Dr. Yusuf Mohamed (Ayman).
01/08/2026
Hambalyo Dhammaan Ardayda dhammaysatay Kulliyadda Daawaynta & Qalliinka ee Jaamacadda Gollis.
29/07/2026
Kulanka Bahda Dhakhaatiirta iyo Xildhibaan Ciise Kayd
Xildhibaan Ciise Kayd, oo ka tirsan Guddida Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa kulan is-xogwaraysi ah la qaatay qaybo ka mid ah xubnaha Ururka Dhakhaatiirta Somaliland (SLMA).
Kulankan ayaa daarranaa sidii Xildhibaanku xog dhammaystiran uga heli lahaa xaaladda guud ee dhakhaatiirta dalka, caqabadaha ay la kulmaan, iyo arrimaha mudnaanta u leh horumarinta adeegyada caafimaadka.
Intii uu kulanku socday, waxa sidoo kale laga wada hadlay muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo dhammaystirka Xeerka Caafimaadka Qaranka ee horyaalla Golaha Wakiillada, si loo helo hannaan sharciyeed oo casri ah oo hagaya nidaamka caafimaadka, ilaaliya xuquuqda bukaanka iyo xirfadlayaasha caafimaadka, isla markaana kor u qaada tayada adeegyada caafimaadka ee dalka.
28/07/2026
Ururka Dhakhaatiirta Somaliland (SLMA) waxa uu si sharaf leh ugu martiqaadayaa dhammaan dhakhaatiirta, xirfadlayaasha caafimaadka, cilmi-baadhayaasha, ardayda caafimaadka barta iyo daneeyayaasha kale inay ka soo qayb-galaan kulanka fogaan-aragga (webinar) ee lagaga hadlayo:
“Xaaladda Cagaarshowga (Hepatitis B & C): Isbarbardhigga Waayo-aragnimada Somaliland iyo Gambia.”
Kulankan waxaa soo jeedin doona:
Dr. Sheikh Omar Bittaye – Physician & Hepatitis/Liver Disease Researcher, University of The Gambia / Edward Francis Small Teaching Hospital.
Dr. Faysal Muse Yusuf – MPhil (Infection and Immunity), Africa CDC Bingwa Fellow.
📅 Taariikh: 29 July 2026
🕓 Waqti: 4:40 PM (EAT)
💻 Goobta: Google Meet
Link: https://meet.google.com/gme-tuwt-ghk
28/07/2026
Hambalyo Dhammaan Ardayda dhammaysatay Kulliyadda Daawaynta & Qalliinka ee Jaamacadda Hargeysa.
Xafiiska Ururka Dhakhaatiirta Somaliland (SLMA) ee Gobolka Awdal ayaa maanta ka qayb galay shir ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Ururka SAHA iyo Jaamacadda Camuud magaalada Boorama.
Waxaa ka hadlaya Dr. Hassan Hayir, oo ah Xoghayaha SLMA ee Gobolka Awdal.
25/07/2026
Ururka Dhakhaatiirta Somaliland (SLMA), oo kaashanaya Private Sector Partnership in Health - PSPH, ayaa Magaalada Burco ku qabtay tababar ku saabsan Anshaxa iyo Akhlaaqda Xirfadlayaasha Caafimaadka (Medical Ethics), kaas oo ay ka soo qaybgaleen qaybo ka mid ah dhakhaatiirta ka hawlgala Gobolka Togdheer.
Tababarkan waxaa diiradda lagu saarayay xoojinta fahamka mabaadi’da anshaxa caafimaadka, akhlaaqda iyo hab-dhaqanka xirfadeed ee laga filayo xirfadlayaasha caafimaadka. Waxa kale oo lagu falanqeeyey ilaalinta xuquuqda bukaanka, dhowrista sirta bukaanka, iyo kor u qaadista awoodda go’aan-qaadashada ee la xidhiidha xaaladaha caafimaad ee maalinlaha ah.
Ujeeddada tababarku waxay ahayd kor u qaadista Xirfadda dhakhatiirta si ay u noqoto mid ku dhisan anshax suuban, akhlaaq wanaagsan, naxariis, isla markaana waafaqsan heerarka xirfadeed ee caalamiga ah, si loo xoojiyo kalsoonida iyo xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya bukaanka iyo xirfadlayaasha caafimaadka.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Contact the business
Telephone
Website
Address
Shacab Mall Building 26 June District Hargeisa
Hargeisa
252
