Abdirahman bashe Jama

Abdirahman bashe Jama

Share

Halkani waa beyjkayga rasmiga ah Abdirahman B.J

23/07/2026

Aabahay Faysal Cabdi Bootaan Laba Wuxuu xidhan yahay 2 Sanno iyo 8 bilood Ayuu Xidhan yahay Qarankii Somaliland Na Wuxuu Noogu Abaal Guday Wax Kasta oo Anaga Hagar Daamo Nagu Ah.

Samsam Faysal Cabdi Bootaan Ayaa Qoraalkan Hoose Qortay. 👇

“Magacaygu waa samsam Faysal abdi bootaan waxan ahay mid ka mida caruurta uu dhalay Taliye faysal, mido 2 sanno iyo 8 bilood ah baa aabahay ku xidhan yahay magalada laascanood, qarankii somaliland ee abahay dirayska u xidhnaa difaacistiisana maanta xabsiga u mutay dowlada ka talisaa abaal gud waxay nooga dhigtay wax kasta oo anaga Hagar daamo nagu ah, in badan baanu ku xishoonay somaliland nimo iyo ehel nimo se xukumada somaliland maanta ka arimisa ee uu gadhwadeenka ka yahay , Madaxweyne Abdirahmaan ciro waxba nooma xeerin.

Markaan idin leeyahay waxba nooma xeerin igama aha calaacal iyo catow se waa garnaqsi iyo tanaasulka aan qarankan u tanaasul nay in badan.

Waxa hargeisa la keenay cid kasta oo somaliland kasoo horjeeday waliba si gaara aabahay af xumo iyo aflagaado ugu gaysatay, Sidoo kale waxa lasii daayey maxabiistii aabahay la darajada ahayd ee taliyayaasha ahayd iyadoo aan nalaga tallo iyo arin galin baanu ka war helnay social media, buuqii iyo dhibkii burco la dhacayna xukumada maanta joogtaa xabad iyo xabsi bay noogu dartay..

Wax walba oo dhacay waxaanu u liqnay somaliland waxay wax ku tahay tanaasul iyo wada dhalashee wax kastood tabanaysaan bal u kaadiya,

Xukumadu waxay nosoo dirtay madax isugu kaayo sheegay in ay deegaanka aanu kasoo Jeedno matalaan oo aan tallo iyo awood mid na aan lahayn tawaawac mooyee.

Hadaba halkaa markay marayso waxan rabaa in fariintan ku cadeeyo raga hadhow soo tawaawici doona waxana leeyahay.

Hadii caydii aabahay rag iyo dumar ba lagu abaal mariyey , maxabiistiina intii aad h**e u bixiseen mooyee in tii kale na maanta go,aan ku gadheen in aad sii daysaan, Waa xujo aad na xujayseene anagana naga war suga.

17/07/2026

fihiima quuje ciidankii ay laascaannood ku laysay .ileyn ajahnebi ma ahayne.caruurtii ay dhaleen yaa ka celinaya

27/06/2026

🤣

14/06/2026

As the Republic of Somaliland, we welcome the historic visit of President Abdirahman Mohamed Irro to Tel Aviv, the capital of Israel 🇮🇱.

This visit strengthens the friendly relations and cooperation between the two governments in the areas of security, health, agriculture, various natural resources (such as minerals and marine resources), technology, and water.

May Allah protect Somaliland and its people. ❤

12/06/2026
25/05/2026

Kuwa maanta darajada lagu wada taxayo anigu qodobo badan ayaan kula yaaabaa horta maanta soomaaliland garba casta ayaa ku badan mana laha qibraddo aqoon ah ay wax ku maamulaan xaaladaha dagaalada iyo shacabkaba kula dhaqmikaraan. Xag barasho k**a dhisan xag tababar ahna k**a dhisan lugta qaad mooyeee markaas marxaaladdaas ayeynu iskaga jirnaa haddaynu nahay reer soomaaliland 525 in maanta darajo layskaga taxaaa waaa ka tashi la,aan ka timi hogaanka sarre ciidanka oo aan lahayn qibrad wayo aragnimo strategy ku dhisan taas lagu maamulikaro hab sharciyeedka ciidanka ciidanku k**a dhisan xagga aqoonta why waxaad arkaysaa muwaadin ka hadlaya rayigiisa isagoo aqoon u leh wuxuu ka hadlay ciidanka iyagoo aan waxba akhriyin ayey ku xidhayaan shaadh dowladdeeda caga juglayn iyo wax la halmaala macal xagga qabashada k**a dhisna waayo qofkii muwaadinka ahaa iyagoo feydh iyo laad ka jaray ayey ka dib odhanayaan istaag macal haddii gaadhi wadto waa lamid macal xaggaas lagama dhisin la dhaqanka qofka danbiilaha sida loo qabanayo macal kuwa aan dabiilaha ahayn wuxuba waa iskugu mid

Sharciga loo dhigo ciidanka marka ay tababarka ku jiraan aqoondarradda ka dhigtay waa laba qodob

1=xeerka ciqaabta guud
2=iyo habka xeerka ciqaabta
Wax dhaafsiisan looma.dhigo taas ayaan sharci darro ka dhigtay hadday sharciga sidiisa u mari lahaayeen dadkuba wey Aamini lahaayeen

Sharci darrada ugu faraha badan muwaadinka iyo eedaysanahaba lagu dulmiyo waa meelaha oobiyeyaasha saldhigyada ciidanka booliska. Danbi aad lahayn aadan gelin ayaa lagugu oogayaaa taas ayaanna sharci darro ka dhigtay ciidanka Booliska ee waddanka lagu Aaminay

Ciidan ay khibraddu ku yar tahay waa ciidan weli u baahan horumar dhinaca waayo-aragnimada, qorsheynta, iyo maamulka hawlgallada. Inkastoo ay muddo ciidan ahaan u jireen, haddana waxaa laga dareemi karaa tabar-darrooyin dhinaca go’aan qaadashada, isku-duwidda hawlaha, iyo maaraynta xaaladaha adag. Khibraddu ma aha oo keliya joogitaanka sanado badan, balse waxay ku timaaddaa tababar joogto ah, hawlgallo badan, iyo hoggaan adag oo ciidanka hagaya.

Mararka qaar ciidanka noocaas ah waxaa lagu arkaa qaladaad soo noqnoqda, nidaam xumo, iyo in aanay si degdeg ah uga jawaabin xaaladaha degdegga ah. Taasi waxay muujinaysaa in ciidanku u baahan yahay dib-u-habayn, kor u qaadid xirfadeed, iyo tababaro casri ah oo sare u qaada awooddooda shaqo.

Si kastaba ha ahaatee, ciidan kasta wuxuu awood u leeyahay inuu horumar sameeyo haddii la helo hoggaan wanaagsan, qalab ku filan, iyo tababar tayo leh. Ciidanka leh rabitaanka shaqo iyo dadaalka joogtada ahi waxay si tartiib ah u kasban karaan khibrad iyo awood ay ku noqdaan ciidan adag oo lagu kalsoonaan karo.

Cabdiraxmaan Cirro

Hambalyo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa maanta dalacsiiyay 525 Sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Booliska JSL .

Taliyaha Ciidanka Booliska JSL Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan waxa uu u mahadcelinayaa Madaxweynaha JSL oo dalacsiiyay Saraakiishan.

Sidoo kale Taliyuhu , waxa uu hambalyo u dirayaa dhammaan Saraakiisha la dalacay , waxaanu u rejaynayaa guul.

Want your business to be the top-listed Beauty Salon in Hargeysa?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Website

Address


Hargeisa
Hargeysa
00000