Bader primary and secondary school

Bader primary and secondary school

Share

Primary and Secondary

04/09/2026
29/08/2026

OGEYSIIS MUHIIM AH – DUGSIGA BADER
Maamulka Dugsiga Bader Hoose, Dhexe & Sare wuxuu si farxad leh ugu wargelinayaa dhammaan ardayda, waalidiinta iyo bulshada in dugsigu si rasmi ah u furmayo 01/09/2026.
📚 Arday kasta waxaa laga codsanayaa inuu si wanaagsan u soo diyaarsado buugaagtiisa iyo dhammaan agabka waxbarashada, si sannad-dugsiyeedka cusub loogu bilaabo dadaal, diyaar-garow iyo waxbarasho wanaagsan.

📝 Sidoo kale, is-diiwaangelinta ardayda cusub ee sannad-dugsiyeedka 2026–2027 way furantahay. Waalidiinta iyo ardayda doonaysa inay ku soo biiraan Dugsiga Bader waxaa lagu soo dhaweynayaa inay ka faa’iidaystaan fursaddan.
📞 Nala soo xiriir:
613266556 / 617179666
📍 Goobta: Degmada Beledxawo, Xafadda Qanasx, koonfurta Masjidka Fatxi.
Dugsiga Bader – Hoose, Dhexe & Sare

15/08/2026

HAMBALYO IYO BOGAADIN – DUGSIGA SARE EE BADER

Maamulka iyo macallimiinta Dugsiga Sare ee Bader waxay hambalyo iyo bogaadin ballaaran u dirayaan dhammaan ardayda dugsiga,
kaddib markii ay si guul leh u wada baaseen imtixaankii, isla markaana ay soo baxday natiijo wanaagsan oo lagu farxo.

Guushan ma ahan mid ku timid nasiib oo keliya, balse waa mid ka dhalatay dadaalka ardayda, juhdiga macallimiinta, taageerada waalidiinta iyo maamulka dugsiga.

Waxaan si gaar ah ugu hambalyeynaynaa dhammaan ardayda dadaalka muujisay. Waxaad maanta caddeyseen in:

«“Dadaal joogto ah, dulqaad iyo isku-kalsooni ay horseedaan guul.”

Waxaan sidoo kale u mahadcelineynaa macallimiinta Dugsiga Sare ee Bader oo si hagar la’aan ah uga shaqeeyay tayeynta waxbarashada iyo diyaarinta ardayda.

Hambalyo ardayda Bader!
Hambalyo macallimiinta!
Hambalyo waalidiinta!
Hambalyo dhammaan bulshada Dugsiga Bader!

Guushu maanta waa bilow; berri waxaan hiigsaneynaa guulo ka waaweyn.
Ilaahay ha idiin kordhiyo aqoon, faham iyo mustaqbal ifaya.

Dugsiga Sare ee Bader – Aqoon, Akhlaaq iyo Mustaqbal.

Photos from Bader primary and secondary school's post 23/06/2026

Maamulka iyo bahda Bader Primary & Secondary School waxay si rasmi ah uga jawaabeen baaqii samafalka ee uu soo jeediyay Ustaad Abdirisaq Hassan Seefle , kaas oo ku saabsanaa uruurinta yunifoomada ardayda fasallada shahaadiga ah ee sannad-dugsiyeedka 2025–2026.
Waxaan si buuxda u soo dhaweynaynaa una taageeraynaa hindisahan khayriga ah ee lagu caawinayo carruurta danyarta ah ee ku nool degmada Baladxaawo iyo deegaannada ku xeeran. Waxaan sidoo kale ku boorrinaynaa ardaydeenna qalinjabisay inay ka qayb qaataan hawshan samafalka ah, si ay uga qayb noqdaan farxad gelinta walaalahooda baahan iyo ilaalinta nicmooyinka Eebbe.
Bahda Bader Primary & Secondary School waxay aaminsan yihiin in samafalku yahay tiirka isku xira bulshada, isla markaana uu kobciyo akhlaaqda wanaagsan iyo is-garab istaagga.
“Gacmo wadajir bay wax ku gooyaan.”

Bahda Bader Primary & Secondary School
Zakaria Hussein Abdi Ulujoog
Maamulaha Dugsiga
TR: 23/06/2026

Photos from Bader primary and secondary school's post 16/06/2026

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa dhammaan ardayda fasalka 8-aad ee Bader Primary & Secondary School oo maanta si guul leh u soo gabagabeeyey imtixaankoodii sannad dugsiyeedka 2025/2026.
Guusha maanta aad gaadheen waa mid ka dhalatay dadaalkiinna, dulqaadkiinna iyo waqtigii aad u hurtay waxbarashada. Maanta waxay astaan u tahay dhammaadka marxalad muhiim ah iyo bilowga mustaqbal ifaya oo idin sugaya.
Waxaan idiin rajaynaynaa guul joogto ah, darajooyin sare iyo horumar aan kala go' lahayn. Alle ha idiin fududeeyo marxaladaha xiga ee waxbarashada, hana idinka dhigo jiil wax ku ool u noqda dalkiisa iyo dadkiisa.
📖 “Waxbarashadu waa furaha horumarka iyo iftiinka mustaqbalka.”

Hambalyo mar kale ardayda qaaliga ah ee fasalka 8-aad.

Telephone

Website

Address


Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Bader primary and secondary school posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Subscribe

We will notify you when anything happens in Mogadishu.